|

“Markii Somaliland la samaynayey waxa la isku qabsaday Inankii SNM ma waxa uu noqonayaa Halyey, kii Awdal iyo Soolna waxay noqonayaan Dembiilayaal la qabsaday, waxase….”Muuse Biixi

Hargeysa:Jully,11,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,ayaa si cad u sheegay in somaliland tahay meel aan cid gaar ah  u xidhnayn, isla-markaana dhammaanba dadka ku wada nooli si simman oo aan kala sokaynin u wada leeyihiin.

muuse biiiixiMujaahid Muuse oo madal dhallinyaradu kusoo bandhigaysay Waraaqo sir ah oo taliskii siyaad barre laga helay ka Hadlay ayaa  sheegay in Somaliland tahay Goob la wada leeyahay oo aan cid gaar ah u xidhnayn,

“Dad badan oo murma oo yidhaahda Somaliland Reer Baa Leh Distoorka ha akhriyaan, Markii Somaliland la samaynayey waxa la isku qabsaday Inankii  SNM waxa uu noqonayaa Halyey, kii Awdal iyo Soolna waxay noqonayaan Dembiilayaal la qabsaday, waxase la guddoomiyey labaduba inay geesiyaal ahayeen oo ay dalka wada difaacayeen.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi oo Hadalkiisa sii wata, ayaa Distoorka Somaliland si cad u sharraxay cidda iska leh somaliland, waxana uu yidhi,“Markii cadowgii isku keen dirayey uu meesha ka baxay kumay qaadan laba bilood in dadkeenu min laascaanood ilaa saylac ay gacanta is wada qabsadaan, Distoorkeenuna waxa uu ka bilaabmaa markii la tixgeliyey halgankii dheeraa ee Somaliland usoo martay xorriyadeeda ee uu ugu horreeyey kii Daraawiishtu, ugu dambeeyey Kii SNM, waana taariikh aynu wada leenahay.”

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed