|

“Howshii Salaadiinta Somaliland lahaayeen wasiiradda ayaa qabta, laakiin Isimadda Puntland waxaan ogaaday inay doorkooda haystaan oo xukumaddu aanay ku faro galin,….”Suld. Suld. Cabdiqaadir

Hargeysa:Jully,11,2015(SDN/QJ)-Suldaanka ugu guunsan Saldanahada Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo sii daynta Abwaan Cabdiwaaxid Gamadiid ujoogay magaalada Garowe ee Maamulka Puntland, ayaa  ka dayriyey sida Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo qoorta ugu duubteen Shaqadii madax-dhaqameedka.

ku faSuldaanka oo ka Hadlayey Casho-sharafeed uu magaalada Garowe ugu sameeyey Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse, ayaa walaac ka muujiyey burburka ku yimi maamuuskii bahda dhaqanku ku lahaan jirtey somaliland, waxana uu si weyn ula qushuucay maamuuska ay madax-dhaqameed Deegaanada Puntland ku dhex leeyihiin maamulkooda iyo sida shaqadooda halkaas looga ixtiraamo.

“Howshii Salaadiinta Somaliland la-haayeen wasiiradda ayaa qabta, laakiin Isimadda Puntland waxaan ogaaday inay doorkooda haystaan oo xukumaddu aanay ku faro galin, laakiin annaga(somaliland) way ka duwan tahay, waa dhaqan danbe oo nasoo galay, waxaan leeyahay horta dhaqankaasi waxbaan ka badali waa aniga iyo wasiir danbe beesha isku qabsan mayno, runtii halkan waxaanu ugu nimi dad Ehlu karam ah oo aad qadarinta u yaqaana” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Eeddan uu Suldaanku u jeediyey sida ay Xubnaha wasiirrada ahi madaxa ugu duubteen shaqadii madaxda dhaqanka, ayaa inta badan laga dareemaa somaliland, waxana meesha kasii baxaysa awoodda madaxda dhaqanku ku dhex lahaayeen Bulshadooda.

Deegaanada Puntland, ayaa madaxda dhaqanku ku leeyihiin xaq-dhawr iyo karaamo ka badan midda Somaliland taalla, waxana taas markhaati ka ah inuu Suldaan Maxamed Suldaaan Cabdiqaadir isagoo kaashanaya Awoodda salaadiinta uu ku guulaysto inuu xabsi kasoo daayo Awbaan Cabdiwaaxid Gamadiid  oo Garowe loogu xidhay arrimo argagixiso.

Suldaanka oo  uu garab socdo Abwaan Cabdiwaaxid Gamadiid, ayaa maalintii shalay kasoo degay Garoonka Cigaal International Airport, kaas ooh ore xukun dil ah loogu riday.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed