Xogo Daaha Ka Fayday Sababo La Yaab Badan Oo Uu Isku Casilay Gacanyare Shalay Xisbiga Kulmiye Istiqaalladda Ka Dhiibay
Hargeysa:Jully,11,2015(SDN/QJ)-Waxa soo baxaya warar dheeraad ah oo laga helayo sababaha soo dedejiyey iscasilaadda Agaasimihii Maamulka iyo Warbaahinta Ee Xisbiga Kulmiye, Md Mustafe Iid Maxamed, kaas oo shalay uun soo saaray Waraaq iscasilaad ah, isla-markaana ay ku lifaanayd Aflegaaddo uu u geystay Guddoomiyaha Kulmiye.
Xogaha warbaahintu ka heshay Iscasilaaddiisa, ayaa iftiimiyey inuu lacago xisbigu lahaa oo Akoonka ku jirey si qarsoodi ah u leexsaday, isla-markaana markii laga warhelay inay lacagtaasi isaga ku maqan tahay cadaadis weyn lagu saaray inuu Meesha ka tago.
Mustafe Iid Maxamed lacagta uu lunsaday oo ku dhawaad dhan $ 7,000 dollar, ayaa laga war helay, kadib markii lala xidhiidhay Dahabshiil, taasina ay keentay inuu muddo badan aanu xafiiska ka hawlgelin, waqtigana is casilaadiisa soo dedejisay.
Geesta Kale, Shirkadda Dahabshiil laf ahaanteeda, ayaa sida xogahan iftiimiyeen sheegtay in Mustafe Iid ku dacwaynayso waraaqo been-abuur oo ku saabsan in lacagahaas uu leexsaday uu dhigay shirkadda.
Xoguhu waxay intaa ku darayaan in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi markii uu ka war helay in lacagtaas uu leexsaday aanay u raacin, balse ka codsaday inuu xilka iska casilo si aan carqaladi ku jirin.
Dhinaca Kale, Mustafe Iid, ayaa sheegay in shaqada xisbiga uu iskaga casilay hawlo u gaar ah, waxaannu ku beeniyey war-saxaafadeed uu warbaahinta u kala diray in aanay waxba ka jirin warar laga baahiyey oo tilmaamay dhaleecayno uu u soo jeediyey Guddoomiye Muuse Biixi.
“Anigoo ah agaasimihii hore ee maamulka iyo saxaafada xisbiga kulmiye waxaan ka xumahay war xalay loo kala diray saxaafada oo been abuur ahaa isla markaana laga diray emailkaygan oo la jabsaday , allxam dulilaahi hawl badan ka dib waxaan ku guulaystay inaan dib ula soo noqdo qacan ku hayntiisa imikaanay waajib igu noqotay inaan beeniyo warkaas oon sal iyo raad toona lahayn .
Xaasha gudoomiyahaygu igama gayo cay iyo af lagaado toona mida kale shaqaalaan xisbiga ka ahaa ma ahayn nin siyaasiya oo miiska gorgortanka xubin ka ah aniga way ii sinaayeen dhamaan kaadiriinta iyo xubnaha xisbiga kulmiye waayo iyagaan xilkan ku hayey .
Waa run oo waan ka tagay shaqadii aan xisbiga u ahayey hawlo shakhsiya oo aniga I khuseeyaan uga tagay, laakiin sife wanaagsan baan kaga tagay xubinimadaydii iyo xisbi nimadaydiiba waa halkeedii.
Waxaan uga digayaa dadka war xumo tashiilka ah ee shaqadoodiiba noqotay email la jabsado dabadeed sida la doono looga faa idaysto inay ka waan toobaan , hayadaha amnigana waxaan usoo jeedinayaa inay ciidan u samaystaan hawlahaa la xaajooda,” ayuu ku yidhi war-saxaafadeedka Mr. Mustafe Iid Maxamed.
Xigasho:Tooshnews.com
SDN/QJ