|

Majaajilayste Bil Gudaheed Ku Helay 25000, Oo Araaji Guur Lagaga Dalbanayey Oo Xalay Geeriyooday

Ca’ira:Jully,11,2015(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii xalay Geeriyooday Majaajilayste Caalamka caan ka ahaa oo lagu magacaabi jirey Cumar Shariif, kaas oo adduunka ku lahaa taariikh jileed oo soo jiidasho badnayd.

laworWaxa uu jiray 83-sano, waxana uu  ku dhashay dalka Masar, isagoo kasoo qaybqaatay ugu yaraan  25 filim, ka hor intii aanu ka mid noqon filimkii heerka aadka u wanaagsan ka gaadhay Hollywood-ka ee “Lawrence of Arabia” kaas oo ka dhigay in uu noqdo, jilaa caalami ah.

Filimada kale ee uu dhigay waxaa ka mid ah “Funny Girl” Genghis Khan, iyo Che Guevara.

Cumar Shariif ayaa la sheegay in waa hore ay arji guur ah u soo qorteen 25,000 oo gabdhood, muddo bil gudaheed ah.

Balse marar badan waxa uu sheegay in jaceylkiisa koowaad uu yahay in uu ka tillaabo buundada, uuna ula jeeday in uu sameeyo horumar.

Waxa uu lahaa shirkada tartanka fardaha ee dalka Faransiiska, waxaana la sheegay in mar uu galay khamaar baahsan.

Waxa uu ahaa nin caan ah oo jilayaasha kale ay u arki jireen nin kalgaceyl xambaarsan oo waxa ay ula baxeen “Cairo Fred”

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed