|

Maxaa Kasoo Kordhay Weerarradii Al-shabaab Xalay Ku Qaadeen Hutellada Siyaad iyo Weheliye ee Magalada Muqdisho?

Muqdisho:Jully,11,2015(SDN/QJ)-Wararkii ugu dambeeyey ee Khasaarihii ka dhacay weerarradii xalay Kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hutellada Weheliyo iyo Siyaad, ayaa sheegaya in tirada dhimashadu marka la isku geeyo gaadhayso ilaa 10-ruux oo iskugu jira Kooxihii weerarka soo qaaday, shaqaalihii Huteellada iyo dad rayid ah.

HOTEL-WEHELIYEWar kooban oo Nabadsugidda Somalia ay bartooda  Twitter-ka dhigeen, ayey ku sheegeen  in  hotel Siyad ay ku dileen 2 ka mid ah kooxdii weerartay hotelka halka saddex kalana ay is qarxisay. Halka Hotel Weheliye ay sheegtay Hay’ada NISA in mid ka mid ah kooxdii weerartay uu is qarxiyay halka saddex kalana ay ciidamada nabadsugida ay dileen.

Hase yeeshee hay’ada Nabadsugida ayaan sheegin qasaare kale oo dhimasha ah oo ka dhacay labada weerar. Balse wararka dadka ku dhowdhow hotelada ayaa sheegaya in shan ka mid ah ilaaladii hotel Weheliye ay dhinteen halka mid kamid ah ilaalada Hotel Siyaad uu isna dhintey.

Wararka kale ayaa sheegaya in hotel Siyad oo ku yaal meel aan ka fogeyn Madaxtoyada Villa Somalia laga soo saaray xildhibaano,guddoomiyihii degmada Warta Nabadda(Ex Wardhigley),Wasiir ku xigeenka Amniga Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya,oday dhaqameedyo,dad rayid ah oo degenaa hotelka iyo shaqaalihii hotelkaba,

Xaalada ayaa degen  Maanta kadib labada weerar iyadoo ammaanka magaalada Muqdisho si weyn loo kordhiyay waxaana wadooyinka waaweyn la soo dhigey ciidamo aad u hubeysan.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed