|

Dilkii Labaad Ee Bisha Ramadaan Ka Dhaca Gobolka Buuhoodle Oo Shalay Qudha Lagaga Jaray Marxuum Kasoo Jeeday Deegaanka Qorulugud

Buuhoodle:Jully,10,2015(SDN/QJ)-Inkasta oo dhawaan Tuulada Coodanle ay Beelaha walaalaha ah ee  deegaanada Buuhoodle iyo Qorillugud ku wada Nooli  ay  Heshiis wakhti badan la geliyey ku wada gaadheen, Haddana waxa sii socota Colaaddoodii, waxana ay   intii bishan Barakaysan ee Ramadaanta lagu jirey ay iska dileen Laba Marxuum oo labad dhinaca kasoo kala jeeda.

silorDilkii ugu dambeeyey, ayaa maalintii shalay ka dhacay Deegaanka Balan-balle oo dhinaca  Bariga kaga beegan Magaalada Qurilugud, waxana Halkaas lagu dilay Marxuum  Xassan Guray Ismaacil Aw Aadan oo Ka soo jeeda Beesha Deegaanka Qorilugud, iyadoo ay dilkaasna geysteen Maleeshiyo kasoo jeedda Dhinaca Buuhoodle.

Dilka marxuumkan, ayaa waxa uu daba socday mid laba Toddobaad ka hor isla deegaankaas loogu geystay Marxuum dhinaca Buuhoodle kasoo jeeday, kaasoo sida la sheegay ku baxay Dablay kasoo jeedday dhinaca Deegaanka Qoruligud.

Dilkaas hore, ayaa loo xidhxidhay  odayaal iyo waxgarad reer Qorilugud ahaa, kuwaas oo ilaa iyo haatan ku jira Jeelasha Magaalada Burco.

Dilalka noocan ah, ayaa Markhaati u ah inay fool hallawday nabadii dhawaan dhidibada loogu taagay Magaalada Coodanle, taas oo shacabka halkaas ku dhaqani waxoogaa naruuro ah gelisay, balse haatan gabbalkeedu sii dhacayo.

Qoddobada heshiiskaas ku jirey, ayaa waxa kamid ahaa in gacanta lagu dhigo cid kasta oo dil dambe halkaas ka geysata, balse dilka Marxuumka hore oo ka yimi dhinaca Beesha qorilugud, ayaan loo raacin heshiiskaas, waxana la diiday in gacanta lagu qabto gacan-ku-dhiiglihii dilkaas geystay, iyadoo intaas kadibna dhinaca kale tallaabadan qaaday.

Xukuumadda ayaan arrimahaas wax shaqo ah ku darsan, marka laga tago odayaal kasoo jeeda Deegaanka Qorulugud oo ay dhawaan xabsiyada ku gurtay, kadib markii dilka hore dhacay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed