|

Al-shabaab Oo Xorriyaddoodii u Celisay Macallimiin Kenyan ahaa Oo ay Gacanta ku Hayeen Iyo Sababta Oo La Caddeeyey

Baardheere:Jully,10,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Al-shabaab, ayaa shaaciyey inay  sii sii dayeen Laba Macalin oo u dhashay dalka Kenya, kadib markii ay qaateen Diinta Islaamka oo Muslim noqdeen.

shpuLabadani Macalin ayaa waxaa Muddo Laba Sano kahor ay Al shabaab kasoo afduubeen Deegaanka Damajaaley, oo ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalka Kenya, iyadoo intaasi Muddo ah lagu hayay Deegaano ku yaalla Jubbooyinka.

Al shabaab ayaa waxay sheegtay inay Labadadi Muwaadin ee Kenya u dhashay ay ahaayeen Saraakiil kamid ahaa Ciidanka Booliska, islamarkaana markii uu gacantooda soo galeen ay ogolaadeen inay Muslim noqdaan oo Diinta aqbalaan.

Maalmo kahor ayaa lasii daayay, waxaana ay ka gudbeen Xadka Kenya. Ciidanka Kenya waxay sheegeen in ay Howgal qorsheysan kusoo furteen Labadani Muwaadin.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed