Xukuumadda Somalia oo Xeer ilaaliyaheeda Guud u Diraysa Maxkamada Hague si loo Bilaabo Dacwada Somalia iyo Kenya
Muqdisho 10.July 2015 (SDN/QJ)- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inuu tagaayo dalka Holand, gaar ahaan xarunta Maxkamada Hague si ay u gudbiyaan dacwada ku saabsan kiiska badda ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.
Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay inaan loo dulqaadan karin in dhulka Somalia lagu soo xagdgudbo, waxana uu tilmaamay in Dowladda Somalia ayu taagan tahay difaacashada dhulkeeda iyo badda intaba.
“Dhulka Soomaaliyeed taako kamid ah wax heshiis ah iyo wax gorgortan ah kama galayno haddii aanahay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkiisaba”, ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.
Isaga oo hadalka sii wata ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed wuxuu sheegay in 5 shirkadood oo xuduuda badda Somalia baaris ka wadeen inay heshiiskii ka baxeen oo ay joojiyeen shaqadaasi, kadib markii ay wax ku qaateen digniinaha kasoo baxay Dowladda Somalia.
Weli waxaa digniinaha ka dhaga adeegay hal Shirkad oo lagu magacaabo ENI oo dalka Talyaaniga laga leeyahay, digniin ayuuna u diray Dr. Axmed Cali Daahir Shirkadaasi.
“Dacwadii waxa ay maraysaa meeshii loogu talo galay shirkadihii baaritaanka ka waday xuduudka baddana waa ay ka baxeen oo ay ugu dambeysay Shirkada Total, waxa kaliya oo ku haray waa Shirkada ENI oo dalka Talyaaniga laga leeyahay, iyadana waxaan u sheegaynaa inay qaadato digniinanaha kasoo baxaya Dowladda Somalia oo ay joojiso howsha ay wado” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.