|

Cali Guray oo Jawaab layaab leh siiyay Xildhibaan Siciid Maxamed oo Ficilada Ucid ku Sifeeyay Jaamacada Cayda

Hargeysa 10.July 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Md. Cali Yuusuf (Cali Gurey,ayaa si kulal uga jawaabay hadal uu Warbaahinta u mariyay Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee laga soo doortay Gobolka Sool.

cali gurayaCali Guray,ayaa Xildhibaanadda Wakiilada ee kasoo baxay Deegaamada Sool ku tilmaamaay qaarna aan dadka ay matalaan waxba ugu meel oolin,isla markaana ka shaqeeya oo kali ah danahooda gaarka ah.

Sidaasna waxa uu ku sheegay war qoraal ah oo uu ku baahiyay barta xidhiidhka Bulshadda ee Facebooka-ga,waxaana uu u dhignaa sida tan:

Inanka Dhulbahante ee ah Xildhibaanka UCID ka soo baxay waa kuwa Isaaqu marka ay isu badheedhi kari waayaan ay isu kiraystaan ee iyaga oo dalkoodii jooga hadana calooshood u shaqayste yaasha ah ee sidaa moobilada hadba ka kursiga ku fadhiyaa lacagta ku shubto. Anigu noocaa dad uma aqaano haduu nin rag ah yahay wixii Kalshaale iyo Buuhoodle dawladdu ka samaysay maalin miyuu ka hadlay inta uu Caligurey iyo Xirsi ka dhex maakhadaynayo. Dhulbahante wax uguma fila, isaaqna wax uguma fila, Somaliland waxba uguma fila oo waa hunguri qaawan waxa uu la dhex joogaa isaga iyo qayrkii, anigu noociisa waxan ka hecelahay kuwa khaatumo ceebna uma arko xataa dagaalkooda oo dee rag wuu is dili karaa waanu heshiin karaa.

Haduu nin raga yahay wazan halkan ku waydiinayaa sua’aal keliya oo ku saabsan cayda uu ka hadlay hadii uu ka jawaabo iyo sida uu uga jawaabo. SICIIDOW MADAXWAYNAHA SOMALILAND WUXU CAAYAY GUDOOMIYAHA UCID OO UF BAA LAGU YIDHI, SIDII YUU XAAR YAHAYE BAL CAYDA CALIGUREY OON MADAXWAYNE AHAYNI XIRSI KU YIDHI EE TAA KA WAYN ADIGU SHEEG HA LAGU WADA MAQLO EH.

Lakiin adigu tan la maad yaabin balse dadka damiirkoodu bool yahay ee Somaliland aan hunguriga uun u dhex joogin oo dhan baa la yaabay. Adiguse biidhi qaate mushaharkiisa xataa magaca UCID ku qaata ayaad tahay oo wax loo jawaabo ma tihi”. Ayuu yidhi Cali Guray

Comments are closed