Warbixin Xiiso leh Madaxweynihii hore ee Tuuniisiya oo Israa’iil sii daysay Kana Waramay Qaabkii Loo Qabtay
Tuunis 10.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynihii hore ee dalka Tuuniisiya Munsaf Al-Marsuuqi oo sida uu wargeyskan Geeska Afrika toddobaadkii hore qoray ka mid ahaa dad dalal kala duwan u dhashay oo la socday markab gargaar u siday marinka Qaza ee Falastiiniyiinta oo Israa’iil ay xabsi u taxaabtay, ayaa dib xorriyaddiisa u helay, kana waramay sida ay wax u dhaceen.
Madaxweynihii hore ee Tuuniisiya waxa uu la socday markab lagu magacaabo Marian oo gargaar u siday marinka Qazea ee muddo dheer ay Israa’iil dhan kasta ka go’doomisay, laakiin markabku intii aanu gaadhin dekedda Qaza waxaa qabtay ciidamada badda ee Israa’iil waxa aanay geeyeen dekedda Asduud oo ku taalla gudaha Israa’iil, laakiin laba maalmood kadib waa ay sii daayeen markabkii iyo dadkii saarnaa in kasta oo ay ku qasbeen in aanu tegin Qaza oo uu dib u noqdo.
Madaxweyne Marsuuqi waxa uu sheegay in dhibtu ay ka bilaabatay markii uu safarkan gelayeyba, oo kabtankii markabka waday uu diiday in uu badweynta ka soo baydho oo uu ku soo dhowaado dekedaha dalka Giriigga si halkaas ay uga raacaan Marsuuqi iyo dad kale oo doonayey in ay ka mid noqdaan dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bani’aadamnimada ee sii saarnaa markabka. Kabtanka Markabka ayaa ka baqanayey in haddii uu dekedaha Giriigga ku xidho ay suurtogal tahay in la carqaladeeyo sii wadista safarkan uu ku tegeyo Qaza, waxa aanay kalliftay in Marsuuqi uu badda ugu tago.
Munsif Marsuuqi oo ka sheekaynaya duruufihii uu markabka dushiisa kala kulmay intii ay Israa’iil gacanta ku haysay ayaa sheegay, “Diiqad badan, cidhiidhi, isgaadhsiintii oo la gooyey, war-wareeg markabka kolba meel la geeyey oo dawakhaad ku keentay dadka rakaaabka ah, cunto xumo, hurdo la’aan, jimicsiyadii caafimaad ee aan samayn jiray oo suurtogeli waayey iyo dhibaatooyin kale ayaanu la kulannay markii Markabka ay xoog ku soo galeen ciidamada Israa’iil”
Marsuuqi oo shabakadda internet ka ee Aljazeera ku qoray maqaal dheer oo uu kaga waramayo waayihiisa la xidhiidha markabkan ayaa isaga oo si faahfaahinaya duruufaha saddexda maalmood soo maray waxa uu sheegay in daalka, hurdo la’aanta, dawakhaadda iyo cunto xumadu aanay haba yaraato ee waxba u dhimin hal-adaygii iyo geesinimadii dadka saarnaa markabka oo u soo badheedhay dhibtan. Waxa aanu si gaar ah u ammaanay Kabtanka iyo Masuuliyiinta markabkan waday oo uu sheegay in ay diideen in ay isu dhiibaan Israa’iiliyiinta.
Marsuuqi mar uu ka waramayo qisaska maadayska u muuqday ee Markabka dushiisa ka dhacay markii ciidamada Yuhuuddu ay galeen ayaa waxa uu ka sheekeeyey Kabtanka markabka oo isgaadhsiinta si kaftan ah ugala hadlaya Yuhuudda oo ay iyaga xaaladdu meel khatar ah ka taagan tahay, “Markabkayga dushiisu waa dhul ay Sweden leedahay, Israa’iili kasta oo doona in uu soo caga dhigto gudihiisana waxa aan ka doonayaa Fiise (Dal-ku-gal) sharciya” Kabtanku waxa uu Israa’iiliyiinta xasuusinayey in Markabkan laga leeyahay dalka Sweden isaguna dalkaas u dhashay, hawl bani’aadamnimana u socdaan, Israa’iilna aanay xaq u lahayn in ay gudaha u gasho ogolaanshiyo la’aan, laakiin haddana qaab kaftan ah ayaa uu dooddiisa ugu gudbinayey.
Marsuuqi waxa kale oo uu ammaanay wariye iyo sawirqaade ka tirsan Aljazeera oo markabkan saarnaa, isaga oo sheegay in haddii aanay iyagu la socon aanay cidiba ka war hesheen waxa run ahaan ka dhacay markabka gudihiisa iyo sida dadka saaran ay Israa’iil ula dhaqantay ama xabsiga ay geysay.
Qaabka xiisaha leh ee Israa’iil ay u qaabishay Marsuuqi:
Marsuuqi isaga oo ka waramaya markii Markabkan la qabtay iyo wixii dhacay waxa uu qoray, “Kowdii iyo rubuc habeennimo oo maalin Isniineed ah, ayaa uu qayliyey hoonka digniinta khatarta ee Markabku, qof kasta oo markabka saarnaa waxa uu ku cararay halkii ay ka xigeen dharka iyo qalabka badbaadada markabka ee rakaabka loogu tala galay, meelihii loo qorsheeyey xilliga khatarta in la tagana waa ay ku urureen. Waxase igu sii yaab badnaa, markii aan maqlay masuulka saarnaa markabka ciidanka Israa’iil ee na qabanayey oo cod-baahiye aad u dhawaaq dheer oo markabkiisa nagu soo dhowaaday ku rakiban ka hadlaya, isaga oo leh, ‘Mudane Marsuuqi, marka koowaad waxa aanu kaa tacsiyadaynaynaa weerarka gardarrada ah ee dalkaagii ka dhacay maalintii jimcaha, laakiin waxa aanu isweydiinaynaa sababta aad halkan u timid si aad u taageerto agagaxisada adiga oo dalkaagana kula dagaalamaya”
Maqaalkan oo aad u dheeraa ayaa uu Marsuuqi ku soo gabagabeeyey fikir shakhsi ah oo la xidhiidha Falastiin iyo Israa’iil iyo xidhiidhka labada dhinac ee mustaqbalka. Waxa aanu sheegay in sheekada labada dhinac marka hore kala wateen ee ah Carabnimo iyo Yuhuudinimo ay socon weyday oo ay isa soo xidhay. Iyo in aanu soconayn fikirka Carabta ee ah in Yuhuudda badda lagu daro iyo fikirka Yuhuudda ee ah in Falastiin ay tagto wixii ka shisheeya webiga. Sidoo kale waxa uu ku dooday in fikirkii ahaa in laba dawladood oo is-garab yaalla Falastiin iyo Israa’iil loo dhisaana aanu soconayn.
Ugu dambayntii aragtida uu madaxweynihii hore ee Tuuniisiya soo jeediyey ayaa ah ah, “Xalku waxa uu ku jiraa in la dhiso dawlad keliya oo ay wadaagaan Yuhuudda iyo Falastiiniyiintu, oo ah dawlad madaniya oo dimuqraaddi ah, una dhisan qaabkii uu dawladda Koonfur Afrika u dhisay madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela.”.
Xigasho Wargayska Geeska Africa