|

Baarlamaanka Maamulka Puntland oo sheegay inay go’aan ka qaadanayaan kasii mid ahaanshaha Soomaaliya

BBBBBBBGarowe,9july,2015(QJ/SDN)-Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa maanta oo Khamiis ah dood adag waxa ay ka yeesheen ka sii mid ahaanshaha Dowladda Federalka Somalia, xilli Puntland ay sheegayso inay Dowladda dhexe wax badan ka tabanayso.

Dooda Xildhibaanada oo aheyd mid hal dhinac ah oo Dowladda Somalia lagu weeraray ayaa Xildhibaanada waxa ay isku raaceen in go’aan mideysan ay ka qaateen inay xubin kasii ahaadaan Maamul Goboleedyada Federalka ku dhisan ee Dowladda Somalia hoostagga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Siciid Xasan Shire, ayaa fadhiga Xubnaha Baarlamaanka ay maanta yeesheen, wuxuu ka sheegay in la isku raacay in go’aan laga qaato kasii mid ahaanshaha Dowladda dhexe, inkastoo uu sheegay inuusan odhaneyn in xidhiidhka loo jaro Dowladda Dhexe.

Wuxuu tilmaamay in maalinta Sabtida ay aragtidooda dhiiban doonaan Xildhibaanada u hadhay dooda, maalinta Axadana Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ay soo saari doonaan go’aan cad oo ay ka qaadan doonaan kasii mid ahaanshaha Dowladda Federalka Somalia.

 

Xildhibaanada doodooda dhiibtay ayaa gedigooda ku dhaliilay Dowladda inay ku tumutay arimaha Dastuurka Somalia, qaar Xildhibaanada ka tirsan ayaa si cadho leh u hadlaayay oo Dowladda Somaliya ku tilmaamay inaanay aheyn Dowladda umadda u dhaxeysa.

 

Maamulka Puntland ayaa xilligan xiisad siyaasadeed waxa ay kala dhaxeysa Maamulka dhawaan la yagleelay ee Galmudug, balse cadhada Maamulkaasi ay ka qaaday Puntland waxa ay kula dul wareegaysaa Dowladda Federaalka Somalia.

Puntland ayaa horay xidhiidhka ugu jartay Dowladda Federaalka Somalia, inkastoo Dowladda ay xalisay tabashooyinka Puntland, hadana weli dhaliil ayeey lasoo taagan yihiin Puntland.

Garowe:QJ/SDN

 

Comments are closed