Xubno sarsare Oo Ka Tirsanaa Maamulka DDSI Oo Xabsiga La Dhigay
Jig-jiga,9july2015(QJ/SDN)-Magaalada Jigjiga waxaa lays la dhex marayaa warar kala duwan oo ka dayrinaya xubnihii ugu dhowaa Madaxweynaha DDSI Cabdi iley kuwaasi oo sida lasheegay qaar kood ay seeftu qaaday.
Wararka aad laysla dhex marayo ayaa waxaa kamid ah in ugu Yaraan 3-shakhsi oo kamid ahaa saaxiibadii ugu dhowaa Cabdi iley in xabsiga ladhigay, halka qaar kalana baadi doon loogu jiro si loo xidho.
Xubnaha lays dhex wado in laxidhay ayaa waxaa kamid ah kuxigeenkii wasiir kii waxbarashada oo lagu magacaabo Cabdi Geedi, iyo Cabdirixmaan Bootaan, oo isna ahaa Maareeyaha Hay’ada Horumarinta.
Xubnahan ayaa waxaa kale oo weheliya Agaasimihii wasaarada Qurba Joogta oo lagu soo waramayo in isna xabsiga ladhigay, halka wali Raadin loogu Jiro shakhsiyaad kale oo kamid ah maamulka DDSI.
Xubnahan laxidhay iyo kuwa baadi Goobka loogu jiro ayaa dhamaantood ahaa saaxiibadii ugu dhowaa Madaxweyne Cabdi iley