Taariikhda Islaamka: Boqorkii sideedaad ee boqorada Umawiyiinta.
Taariikhda Islaamka: Boqorkii sideedaad ee boqorada Umawiyiinta.
Waxa uu ahaa Cumar binu Cabdicasiiz, waxa uu dhashay 60hijriyada waxa uu ku dhashay xilwaan oo masar ku taala markaas aabihii ayaa waali ka ahaa hooyadii waxa la odhan jiray layla bintu caasim binu cumar binu khadhaab, waxa awoowe u ahaa khaliifkii waynaa ee muslimiinta Cumar binu khadhaab yaraantiisii waxa uu aaday Madiina waxa uuna ka bartay diinta markii aabihiis dhintay waxa u yeedhay Cabdimaalik binu marwaan oo ahaa boqorkii muslimiinta dimishiq ayuu ugu yimid waxa uu u guuriyay gabdhiisa Faaduma binu Cabdimaalik waxa uuna waali uga dhigay deeri samcan meeshaas waxa uu waali ka ahaa illaa sanadkii 86 waxa taariikhyahanadu isku waafaqsanyihin oo sheegaan in uu ahaa afarta khulafo ninka kusoo xiga waxa la odhan jiray Khaamis khulaaf Alrashidiin sanadkii 87 waliid binu Cabdimalik ayaa u magacaabay imaarada madiina waxaana laga qaaday sanadkii 93.
Dhamaadkii khilaafada waliid binu Cabdimalik waxa uu isku dayay in uu walaayatu-cahdiga walaalkiis ka qaado oo uu u dhiibo wiilkiisa, laakiin arrinta waxa ka diiday Cumar binu Cabdicasiiz markii uu khilaafada qabtay Sulaam binu cabdimalik waxa uu cumar ka dhigtay lataliye. Cumar binu cabdicasiis waxa muslimiintu la baayactameen sanadkii 99 ee hijriyada xilka ma aanu rabin raali kama ahayn, laakiin waa isku aqbalay markuu xilka qabtay waxa uu ku caanbaxay caadalad waxa la sheegaa xilligiisii qof muslim ah oo sako raba in la waayay dhulka islaamku ka taliyo. heerka cadaladiisu gaadhtay waxa sidoo kale taariikhyahanadu sheegaan xiligiisi dhurwaayada iyo xoolaha ay isku meel ku daaqi jireen haddana isma taaban jirin. Maslama binu cabdimalik ayaa cumar soo booqday isagoo xanuunsanaya khamiis wasakhaysan xidhan waxa uuna faadum oo xaaskiisa ahayd ku yidhi khamiiska ka badal wasakhda ah laakiin waxay ugu jawaabtay in aanu mara kale lahayn. Ogow qofkaas waa boqorkii umada muslimiinta.
markuu khilaafada qabtay waxa uu amray in reer banii umaya ay maalka ay haystaan kusoo celiyaan baytu maalka muslimiinta xataa xaaskiisii faadumo waxa uu ku yidhi kala dooro in aad aniga ila noolatid iyo in aad dahabka iyo maalka aad haysatid aad baytul maalka muslimiinta ku ridid waxa ay dooratay cumar wixii ay adduun lahaydna waxay kucelisay baytul maalka muslimiinta markii uu dhintay cumar oo xilka uu qabtay walaalkii yaziid ayaa yasiid ku yidhi waan kusoo celinayaa hantidaadii waxa ay ugu jawaabtay waxa aan diiday isagoo nool ma qaadanayo isagoo dhintay. waxa uu dhintay sanadlii 101 hijriyada waxa aysheegaan tariikhyahanadu in la sumeeyay waxaana la sheegaa in ay sumeeyeen reer banii umaya oo uu waxay maal haysteen ee xaaranta ahaa uu baytul maalka muslimiinta ku daray waxa lagu aasay deeri samcaan oo xalab udhaw ilaahay ha u naxariisto Cumar binu cabdi casiiz.
……………………………………… lasoco qaybaha danbe
W/Q: Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan (Foodhaadhi)
Hargeysa,Somaliland
Email:Khaalidfoodhaadhi@gmail.com