Sucuudiga Oo Shaaciyey Tiro Dalal Afrikan ah Oo Sanadkan Dadkiisa u Oggolayn Inay Waajibaadka Xajka Soo Gutaan
Riyad:(sdn/qj)-Dalka Sucuudigu waxa uu sanadkan shaaciyey shuruuc dheeri ah oo lagu soo rogay dadka gudanaya waajibaadka xajka, iyadoo ay soo kordhayaan baqaha laga qabo dhinacyada cudurrada iyo waliba Fikirrada Agagixisada oo caalamka kusii badanaya.
Afhayeen u hadlay Wasaarada caafimaadka sacuudiga ayaa faray dhamaan xujeyda sanadkan soo aadeysa Magaalada Maka si ay gutaan waajibka xajka inay isticmaalaan dawada looga hortago qandhada Cudurka Maskax Garaadka.
Sidoo kale Afhayeenku wuxu faray dhamaan xujeyda inay qaataan Dhibacaha talaalka cudurka dabeysa ka hor lix asbuuc inta aanay soo aadin Xajka,“baadhitaan adag oo dhanka caafimaadka ayaa jiri doona”ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Boqortooyada Sacuudiga
Dhanka kale Afhayeenka wuxuu si cad u sheegay inaysan Fiiiso siineyn labada dal ee Gini Bisaw iyo Siraliyon madaama dalalkaasi wali uu ka jiro cudurka Ebola.
Lama sheegin wax fursad ah oo dadka muslimiinta ah ee Dalalkaas ku nooli ay kusoo gudan karaan Waajibaadka Xajka, waxana Go’aankaas loo arkaa mid caqabad ku ah Cibaadadooda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com