Haay’adda Maamusha Duulimaadka Hawadda Somaliland Iyo Somaliya Oo Shir Ay Nairobi Ku Qabatay Lagu Kala Kacay.
Nairobi,9july,2015(QJ/SDN)-wararka ka imanaya Magaaladda Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya,ayaa sheegaya in laysku af-garan waayay,isla markaana lagu soo kala kacay Shir halkaas ku wada lahaayeen Xukuumaddaha Somaliland,Somliya iyo Haay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee magacaceedda loo oo gaabiyo ICAO. Warku waxa uu intaas ku darayaa in kulanku soo af-xidhmay ka dib markii Xubnihii ka socday Somaliland oo kala aha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda, Cumar Cabdi laahi Aadan iyo La-taliyaha Wasaaradda Duulista Md. Axmed Cago Dable ay badka soo dhigeen in la fuliyo go’aamadii kasoo baxay Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ay ku yeesheen Dalka Turkiga,kaas oo qeexayay in Hawadda waxii laysku odhan jiray laga Maamulo
Magaaladda Hargaysa,taas oo ay Haay’adda iyo Xukuumada Somaliya-ba ka biyo diideen.
Waxaanay Masuuliyiintii Somaliland ka socday ku adkaysteen in aanay Hawadda Somaliland laga maamuli karin meel aan Somaliland ahayn
.