Booqashada Obama Ee Addis Ababa Oo Keentay In Oodda Laga Qaado Wariyayaal Muddo Xabsiga Ku Jirey
Addis Ababa:Jully,09,2015(SDN/QJ)-Waxa maalintii shalay oodda laga Qaaaday Shan wariye oo muddo Hal sano iyo dheeraad ah ku xidhnaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Waddanka Ethiopia.
Sii deynta Saxafiyiintan, ayaa la sheegay inay timi kadib markii ay wasaaradda Caddaaladda Dalkaasi dib uga noqotay Dacwad ay markii hore kusoo oogtay.
Wariyayaasha oo Itoobiya looga yaqaano Zone-9 bloggers ayaa lagu soo oogay in ay faafiyeen warbixino khatar galin kara amaanka dalka.
Shan ka mid ah suxufiyiinta ayaa shalay galab la sii daayey, halka 3 kale ay wali dacwadoodu socoto. Qabashada wariyaasha ayaa soo jiitaday dhaleecayn iyo codsiyo badan oo xukuumada loo soo jeediyey. Ururada u dooda saxaafada iyo wadamada reer galbeedka oo uu horseed Maraykanku ka yahay aya dhawr jeer dawladda ka codsaday in suxufiyiinta xoriyadooda dib loo soo celiyo.
Dawlada ayaan wali si rasmi ah u sheegin soo deynta suxifiyiinta iyo sababta loogu soo beegay xiligan, hasayeeshe dadaka siyaasada dalka lafagura ayaa sheegay in go’aankani salka ku hayo cadaadis ka dhashay booqashada Barack Obama oo ku imanayo Itoobiya dhamaadka bishan.
SDN/QJ