|

Ra’isal Wasaare Hore uga Soo Taliyey Midkamid ah Waddamada Yurub Oo Saddex Sano Oo Xadhig ah Lagu Xukumay

Milan:Jully,09,2015(SDN/QJ0)-Silcio Berlusconi oo ahaa Ra’isal wasaarihii hore ee Waddanka Talyaaniga, ayaa Saddex sano oo  xadhig ah lagu xukumay, kadib markii lagu helay inuu laaluush bixiyey.

lescoLaaluushkaas ayaa sida ay maxkamad ku taalla waddanka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Naples waxa uu siiyey Masuul sare oo katirsanaa xisbi kasoo horjeeday Xisbigii uu Ra’isal wasaare Berlusconi hoggaamin jirey, iyadoo dano siyaasadeed lagu heshiiyey.

Maxkamada ayaa sidoo kale ku xukuntay Maalqabeenka Berlosconi inaanu waxa maamul ah qaban karin muddo shan sano ah. Silvio Berlusconi oo afar jeer soo qabtay xilka ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Hase yeeshee Berlosconi ayaan xabsi geli doonin sababo la xidhiidha dhinaca sharciyada dalka Talyaaniga iyadoo dib u eegis lagu sameyn doono bisha November ee sanadkan.

Bilyaneerkan ayaa lagu eedeeyay in uu siiyay lacag gaadheysa 3m euros oo u dhiganta 4milyan oo Dollar sanadkii 2006 Sergio De Gregorio oo ka mid ahaa mudanayaasha xisbiga Italy of Values si uu ugu soo wareego xisbiga Berlusconi ee People of Freedom taasina ay ku noqotay dhibaato xukuumadii xilligaa jirtey inay sii nagaato.

Xukuumadii xilligaa jirtey ee uu madaxda ka ahaa Prodi ayaa mudanahaas ku biirey xisbiga mucaaradka ah awgii ay sii diciifisay awooda maamulkiisa taasoo ugu dambeyntii keentay in ay burburto xukuumadaas sanadkii 2008.

Doorasho la qabtay kadib burburkaas ayaa waxaa ka faa’ideystey xisbiga Berlusconi isagoo mar saddexaad noqday Ra’iisal Wasaare ilaa iyo sanadki 2011. Mudanaha la laaluushay ayaa qirtey in uu ka qaatay lacagtaas Berlusconi.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed