|

Maayarkii Degmada Ceel Afweyn Oo Culays Kaga Yimi Golihiisa Deegaanka Iskaga Casilay Xilkii Maayarnimo

Ceel afweyn:Jully,09,2015(SDN/QJ)-Maayarkii hore ee Degmada Ceel afweyne Baashe Xandulle Warsame, ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii maayarnimo ee uu degmadaas ka Hayey, kadib markii sida la sheegay uu dareemay mawjado mucaaradad ah oo kaga yimi dhinaca Xildhibaanada Degmadaas.

garwrMaayar Xandulle, ayaa in muddo ahba ka cago jiidayey mooshin ay saxeexeen 12-xildhibaan oo la doonayey in isaga iyo ku-xigeenkiisa xilka lagaga qaado, waxana uu maalintii shalay go’aansaday inuu iskii isku casilo ka hor inta aan xilka laga xayuubin.

Maayarka oo warbaahinta ka faafiyey iscasilaaddiisa, ayaan sheegin wax sabab ah marka laga yimaaddo arrimo uu sheegay inay isaga gaar u yihiin, waxana uu indhaha ka qarsaday soo jeedinta mooshinka ka dhanka ah ee uu haatan ka diday.

Mudane Xandulle ayey muddooyinkii ugu dambeeyey xildhibaanada Deegaankaasi si weyn uga soo horjeedeen, waxana ay dhawr jeer xukuumadda ka codsadeen inay u qabato fadhi  aan caadi ahayn oo ay kula xisaabtamayaan.

Dhawaan ayaa la filayaa inay Xubnaha Golaha deegaanka Ceel-afweyn ay qabsadaan fadhi ay ku dooranayaan Guddoomiye, iyadoo sidoo kale Guddoomiye-ku-xigeenna la sugayo inay doortaan, maadaama ku-xigeenkii hore laga soo horjeedo.

Waa Maayarkii labaad ee muddo bil gudaheed ah isbedel lagu sameeyo, waxana dhawaan xilkii  laga qaaday Maayarkii hore ee Degmada Borama Saleebaan Xasan Xaddi, kaas oo muddo ka gaaf wareegayey inuu fadhiyo laga codsaday fasaxo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed