“Ragga Wax Ka Sheegaya Siilaanyo, Somaliland Oo Dhawr Sanno Jirtay Ayay Yimadeen” C.laahi Jawaan iyo Cismaan Hindi DAAWO
Hargaysa 09.July 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiye Ku xigeenkii Hore ee Komishanka doorashooyinka Somaliland Mr. Cabdllaahi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) Iyo Siyaasi Cismaan C.laahi Cigaal “Cismaan Hindi” ayaa ka Jawaabay eedaymaha xisbiyadda mucaaridka ahi ay u soo jeediyeen xukuumadda Somaliland, isla markaanna waxay sheegeen in ay tahay wax aan la qaadan kari warqada ay faafisay Wikileakes oo uu ku dooday in uu yahay nin ku xabisan safaarrada shisheeeye.
Cabdillaahi Jawaan Iyo Cismaan Hindi oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa u soo jeediyay xisbiyadda mucaridka ah in aanay faafin waxa ay qorayaan cadawga Somaliland, waxaanay xuseen in Madaxweyne Siilaanyo aanay wax ka sheegi Karin cid aan taariikh ku lahayn dalka.