|

Howlgal 200 ruux lagu xidhay oo Gaalkacyo laga sameeyay iyo Saraakiisha oo ka hadashay

 
Galkacyo,july8,2015(QJ/SDN)-Ciidamada ammaanka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sameeyay howlgalo ay ammaanka ku xaqiijinayaan, waxaana howlgalkaasi lagu soo qabtay ku dhawaad 200 oo ruux.

Xaafadaha Waqooyiga Magaalada Galkacyo ayaa howlgalkaan laga sameeyay, dhalinyarada lasoo qabtay ayaa la sheegay inay yihiin qaar amniga qal qal gelinaayay iyo kuwa habeenkii laga seexan waayay Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa waalidiinta ku wargaliyay inay ilmahooda la socdaan islamarkaana ka joojiyaan dhaqanada lidi ku ah bulshada.

Wuxuu sheegay dhalinyarada howlgalka lagu soo qabtay in Saldhiga la isugu geeyay oo Taliska Saldhiga ay baadhis ku hayaan, qaarna la siidaayay, balse wuxu sheegay kuwa dambiyada lagu helaa in tallaabo adag laga qaadi doono.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo Maamulka Puntland ay ka arimiyaan ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo masuuliyiinta Maamulka Puntland ee Mudug loo gaysto.

Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland Muuse Nuur ayaa shaaciyay in ciidamada habeenkii ay joogteyn doonaan howlgalada amniga lagu xaqiijinaayo si looga feejignaado dhalinyarada amniga qal-qalgelinaysa.

Magaalada Gaalkacyo ayaa u kala qaysan labo dhinac oo kala ah qaybta Waqooyi ee Puntland iyo qaybta Koonfur ee Galmudug.

Comments are closed