|

“Anigu haddaan Baashe Morgan ahaan lahaa umaan shaqeeyeen ninka soddogga ii ah,manaan ceebeeyeen, manaan dhex galeen.”Jamaal Cali Xuseen.

Hargeysa:Jully,08,2015(SDN/QJ)-Musharraxa Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku dhaliilay madaxweyne Siilaanyo inuu xil Dawladda  kamid ah u dhiibay wiil gabadh uu dhalay qaba, kaas oo Bulshada somaliland si weyn uga biyo diidday.

jamaali caliJamaal oo u warramay Telefishanka Kalsan Tv, ayaa ayaa sheegay inaan hannaanka Dawladnimo ee caalamka lagu arkin in xubnahaas sidaas oo kale Qoyska Madaxtooyada uga tirsan inaan xilal loo dhiibin,“Baashe Qoyska Madaxweynaha ayuu kasoo jeedaa ama haka qabo ama yaanu ka qabine, inta bandanna caalamka sida aynu ognahay Dawladda kama mid noqdo.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Aqoonyahan Jamaal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in Haddii uu ahaan Baashe Cumar oo ah Wiilka Gabadha uu madaxweyne Siilaanyo dhalay qabaa ee haatan loo magacaabay Safiirka Dalka ingiriiska aanu waligii xilkaas qaateen, waxana uu yidhi,“Anigu haddaan Baashe Morgan ahaan lahaa maan qaateen umanaan shaqeeyeen ninka soddogga ii ah,manaan ceebeeyeen, manaan dhex galeen.”

Wali waxa taagan su’aasha shacabku iska weydiinayaan Sababta uu madaxweynuhu ugu dhiirraday inuu wiil uu soddog u yahay u magacaabo xil Dawladda kamid ah, iyadoo lagu jiro Maalmihii ugu dambeeyey ee Muddo-xileedka madaxweynaha, waxase loo arkaa inay tahay tallaabo lagu dilayo taariikhda Madaxweynaha oo xubno Aqalka madaxtooyada katirsani kasoo shaqeyeen.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed