|

Waa maxay nuxurka warqadda sirta ah ee Somaliland dawakhisay

Waxaa beryahan lagu dawakhay warqad  ay mareegta  Wikileaks ee siraha kashiftaa soo bandhigtay iyadoo u dhacday kaydka  Sirdoonka ee waddanak Sacuudiga. Kashifaddaas waxaa ka mid ahaa 1000 yaal ka mid ah  waraaqo u khaas hay’addaas.
Waxaa laga soo saaray mid ka mid ah waraaqahaas arrin khusaysa Somaliland, waxayna ka dhex abuurtay sawaxan badan   bulshada dhexdeeda xittaa siyaasiyiinta  iyadoo la moodo inaan la fahmin nuxurka qoraalka ama qof waliba siduu  jecelyahay u fasirtay. Waxayna u qornayd iyada oo Carabi ah inta Somaliland khusaysa sidatan:

وقعت الحكومة الإنتقالية الصومالية وحكومتى جمهورية أرض الصومال وسلطة إقليم بونت لاند وعدد من المليشيات الموالية للحكومة الصومالية فى تاريخ 26/02/1432 هجري الموافق 18/02/2012 ميلادي إتفاقا يتضمن تأسيس برلمان جديد بمجلسين. بالإضافة الى إعداد دستور يسمح  بنظام فيدرالي.

Waxaa xusuus mudan in taariikhdu Carabi ku qornayd laakiin halkan adkaatay in lagu qoro Carabi.
Turjamadda qoraalka Carabida ahi waa sidatan: ‘ Waxay saxeexeen Dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka Puntland iyo dhawr urur oo malayshiyada dawladda Soomaaliya raacsan ka mid ah heshiis nuxurkiisu yahay in la sameeyo baarlamaan cusub oo ka kooban laba gole iyo distoor cusub oo ogolaanaya nidaam federaali ah, taariikhdu markay ahayd 26/02/1432 Hijriga oo  waafaqsan 18/02/2012’.

Horta warku waa intaas , nin waliba waa siduu  u fahmaa. Laakiin waxaa habboon in la caddeeyo sifada uu qoralkani ku soo baxay. Maxaa hadaba dhacay taariikhdu markay ahayd 18/02/2012?? Miyaanu dhicin shirkii London ee  Somaliland ka qayb gashay kana mid ahayd saxeexayaasha inay dawladda  Somalia ka baxdo nidaamka ku meel gaadh ah oo ay noqoto  nidaam federaali ah , distoor cusub iyo baarlamaanna  loo sameeyo.  Qoraalku ma sheegin meesha  saxeexu ka dhacay iyo wax midnimo tilmaamaya. Arrintu waxay ku soo ururaysaa Sacuudiga oo qoraal ka soo saaray shirkii London laakiin siduu uu fahmay u soo qoray.

Wabillaahi tawfiq

Maxamuud Barre

UK

Comments are closed