|

‘Wasiirkii hore ee Khaarijiga anigu waxa aan u arkaa Nin Aqoonyahan Ah Oo Dalkiisa Hawl Wanaagsan U Qabtay,sabab ninkaas loo dur-duro oo aan gardarro iyo maag ahayni ma jirto” Muuse Biixi

Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ) :- Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa difaacay Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland ay eedo u jeediyeen.

Muuse Biixi Cabdi2Shir Sucuudiga iyo wasiirkeennii hore ee khaarajigu ay wada galeen ma jirin, madaxwaynaheenna iyo dowlada Sucuudigu shan shir oo ay wada galeena ma jirin. waa ayaan darro shalay erayga uu yidhi gudoomiyaha xisbiga Waddani, isaga ayaa looga fadhiyaa cadaynteeda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxaanu intaa ku daray “Haddii aanu Kulmiye nahay, ma nihin cid Soomaaliya Looga shakiyi karo, waxaan leeyahay layligu biyaha calooshiisa ku jira ayuu ka didaa, taa waxaan ummada u sheegayaa inaanay waxba ka jirin.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi

 

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu difaacay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu uu yidhi “Arrinta Wasiirkii hore ee Khaarijiga Dr. Maxamed Cabdiliaahi Cumar, lagu duray anigu waxa aan u qabaa in uu ahaa nin dhalinyarro ah oo aqoon-yahan ah oo dalkiisa intii uu u shaqaynayay hawl wanaagsan u qabtay, kana mudan ammaan ee aan ka mudnayn, sabab ninkaas loo dur-duro oo looga daba tagaa oo aan gardarro iyo maag ahayni ma jirto, dadka isaga waxaas u nisbaynaya waxa aan leeyahay waar ma gayo, mana dhacdo ee ha laga daayo isaga iyo inta la midka ahba.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed