|

Ninkii Dunida ugu Da’da Weynaa Oo Geeriyooday Iyo Cimriga uu Ahaa

Tokyo:Jully,07,2015(SDN/QJ)-Sakari Momoi oo loo aqoonsanaa inuu ahaa ninka dunida ugu da’da weyn, ayaa Maalintii Axaddii Toddobaadkan ku geeriyooday Goob dadka lagu xannaaneeyo oo ku taalla Dalka Japan.

genuNinkan oo dunida caan ka ahaa, ayaa hore u galay Buugga lagu keydiyo mucjisooyinka adduunka ee (Guinness World Records) loo yaqaanno, waxana muddo dheerba uu ku sugnaa xaalad aad u adag.

Sakari Momoi, oo u dhashay Dalka Japan ayaa ku dhashay Magaalada Fukushima, 1903 , waxa uuna ninkan ku geeriyooday da’da 112-sano , waxa uuna buuga Mucjisooyinka aduunka galay loona aqoonsaday ninka aduunka ugu weyn bishii August ee Sanadkii tagay.

Buuga Mucjisooyinka aduunka lagu keediyo wali sooma bandhigin shaqsiga kale ee hada ugu da’da weyn raga Dunida kunool Maadaama uu dhintay Sakari Momoi oo hore loogu aqoonsaday in uu ahaa shaqsiga Dunida ugu da’da weyn.

Dalka Japan waxaa sidoo kale bishii April ee Sanadkii hore ku geeriyooday Misao Okawa oo iyana loo aqoonsaday shaqsiga Dunida ugu da’da weyn, waxa ayna haweeneydan ku geeriyootay da’da 117-sano sida lagu qoray Buuga Mucjisooyinka aduunka lagu keediyo.

 

 

Comments are closed