Sir baahiyaha Wikileaks Oo Markale Soo Bandhigay Guryo Wasiirrada Madaxtooyada iyo Duulista Hawadu Si Qarsoodi ah Uga Iibsadeen Magaalada Birmingham
Hargeysa:Jully,07,2015(SDN/QJ)-Sir baahiyaha dalka maraykanka laaga leeyahay ee Wikileaks, ayaa toddobaadyadan ku hawllan soo faqitaanka siraha xubno katirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo oo arrimo khiyaamo ah ku sameeyey Hantida umadda iyo waliba qayimkoodiiba, waxana haatan soo baxay Guryo lacago badan ku kacay oo ay Wasiirro xukuumadda katirsan ka Iibsadeen Carro ingiriis.
Wasiir Xirsiga Madaxtooyada, ayaa ay shabakaddan siraha faafisaa sheegtay inuu Guri sumadiisu tahay Edgewood, Birmingham, AL 35209 Iibsaday taariikhdu markay ahayd 08/10/2012, Wasiirka ayaa gurigan ka bixiyey lacag aad u tiro badan oo sida ay sheegtay Wikileaks, hal million iyo laba boqol oo kun ah lacagtaas oo wasiirku aanu cadayn meesha uu ka keenay balse Cash iyadoo ah uu ku bixiyey goobtii lagula kala wareegayey.
Waxay kale oo xustay shirkadan ka shifta siraha aduunka ee wikileaks in wasiir kale oo Somaliland ahi uu isna guri kale ka iibsaday isla deegaankaa aan ka fogayn halka xirsi ka iibsaday, Wasiir maxamoud xashi ayaa isna hanti badan ku bixiyey gurigan oo sida la sheegay isagu ka bixiyey mid tii xirsi waxoogaa ka yar , Siddeed boqol oo kun oo Cash ah ayuu isna dhigay waxaa ay shirkadani sheegtay in dhowr nin oo kale iyana ballan sanaayeen in guryo deegaankan looga eego iyagoo u doorbiday meelaha dadka lacagta lihi degaan ay tahay.
Guriyahan labadan wasiir iibsadeen ayaan, sidaa u sii kala fogayn, waxana muuqata inaanay masuuliyiintani wax tudhaale ah u haynin dalka, isla-markaana ay ka go’an tahay inay maalmaha ay awoodda leeyihiin wax badan oo gaar u ah iska sii meelaystaan.
SDN/QJ