Al-shabaab Oo Xalay Weerar ay Ku Qaadeen Gudaha Mandhera Ku Laayey Dad Xoog-maal ahaa
Mandhera:Jully,07,2015(SDN/QJ)-Maleeshiyo si weyn u hubaysan oo katirsan Kooxda Al-shabaab, ayaa Xalay saqdii dhexe weerar ku qaadday Magaalada Mandhera ee Gobolka W/Bari Kenya, waxana ay halkaas ku dileen ugu yaraan 14-qof oo rayid ahaa.
Dadka la dilay, ayaa ahaa kuwo dhagxaanta jebiya. Waxana asal ahaan ay ahaayeen dad aan soomali ahayn oo kamid ah Qoomiyahada Gudaha Kenya dega.
Ka hor inta aanu weerarku dhicin, ayaa waxaa 1-dii habeenimo ee xalay Degmada Mandheera laga maqlay laba qarax oo waaweyn, waxaana xigtay rasaas laga maqlay Suuqa Xoolaha.
Xuseen Buulo Xaawo oo kamid ah dadka Madhera deggan, lana Hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay dadka la dilay in billo ka hor isaga taggeen halkaasi, laakiin ay mar dambe dib ugu soo laabteen, waayo waxay ku haysteen buu sheegay shaqo fiican.
Dadkaasi waxay ahaayeen kuwa keliya ee jebiya dhagxaanta Degmada Mandheera. Dhagxaantaasi ayaa ah kuwa qudha ee dhismooyinka looga sameeyo Degmadaasi.
Ciidanka Booliska Kenya oo goor dambe gaadhay halka uu weerarku ka dhacay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay weli ku sugan yihiin. Lamana soo sheegin cid ay weerarkaasi u soo qab qabteen.
Sanadkii hore, ayaa dad fara badan oo Kenyan ah waxaa lagu laayay duleedka Degmada Mandheera. Dadkaasi ayaa shaqadoodu ahayd jebinta dhegxaanta.
Wixii ka dambeeyay markii Ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfurta Somaliya, bishii October ee sanadkii 2011-ka, ayaa waxay Kenya wajaheysay weeraro kaga imanaaya Ururka Al Shabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com