“Isagaa haa iyo maya laga wada hayaa Wasiir Xirsi, waxa muuqata in Xirsi uu dawladdan jirta mucaarid ku yahay” Wasiirkii hore ee Khaarajiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar DAAWO
Nairobi 07.July 2015 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar ayaa Jawaab adag ka bixiyay dhaleecayn uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan u soo Jeediyay taas oo salka ku haysay Warbixin ay qortay Shabkada Faafisa Fadeexada Caalamka Wikileaks oo sheegtay inay somaliland hore heshiisyo midnimo la xidhiidha ula gashay Dhiggeeda somalia, isa-markaana uu Wasiirku arrintaas lug weyn ku lahaa.
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadu Wuxuu dhaleecayn u soo jeediyay Wasiir Xirsi oo eeda ku soo riixay Waxaanu Sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu uu Mucaarid ku yahay Xukuumada uu ka tirsan yahay ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo wakhktigan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, waxa uu soo saaray War-Saxaafadeed qoraal ah oo uu arrintaas oo Maanta Mucaaradkuna ka hadleen kaga jawaabay, sidoo kalena waxa uu la hadlay TV-ga Star oo uu sheegay in Xirsi ay tahay in la weydiiyo arrintaas oo uu xusay inuu mar sheegay marna beeniyey jiritaanka heshiiskaas.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar War-Saxaafadeedka Qoraalka ah ee uu soo saaray oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Heshiis federaal ah iyo wax la mid ah oo intii aan wasiirka arrimaha dibada Somaliland ahaa aan saxeexay ama dhex maray Somaliland iyo somaliya ma jiro.
Xirsi ha la waydiiyo halkuu ka keenay warkan. Aniga iyo Madaxwayne Axmed-Siilanyo wixii Siyaasadda arrimaha dibedda ku saabsan si wada-jir ah ayaannu uga wada-tashan jirnay, Madaxwaynahaana guddoonkooda lahaa. Heshiis Federal ah marna muu jirin. Xirsi ayaa hadda Xukuumadda u soo jiiday eed aan jirin iyo fadeexad. Laakiin, Madaxwaynaha iyo aniguba shaqo kuma lihin waxaa uu sheegay Xirsi.”
Nairobi SDN/QJ