|

Weerar Lagu Hoobtay Oo Kooxda Boko Haram Ku Qaadday Masaajid Iyo Goobo Laga Afurayey

Jos:Jully,06,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Boko Haram, ayaa habeenkii xalay weerarro mataano ku qaaday Masaajid iyo Maqaaxiyo ku yaallla Magaalada Jos ee Badhtamaha waddanka Nigeria.

tgoDabley hubeysan oo katirsan Kooxda Boka Haram ayaa rasaas badan ku furay Masaajid ay dad Muslimiin ah ku cibaadeysanayeen oo kuyaala Magaalada Jos, waxaana xiligaa kadib Masaajidka laga maqlay qarax xoogan.

Weerarka Masaajidka lagu qaaday ayaa lagu soo waramayaa in lagu beegsanayay Imaamka Masaajidkaasi oo lagu Magacaabo Sheikh Sani Yahaya Jingir , Wadaadkan ayaana hore u canbaareeyay dhaqamada foosha xun ee Kooxda Boka Haram.

Sheikh Sani Yahaya Jingir ayaa la sheegay xiliga uu weerarku dhacayay in uu u Khudbeenayay Jameecadii Masjidka kusugnayd, waxaana Weerarka kadib masjidka ka dhacay in lagu kala cararo, waxaana jira dad qasaaro uu kasoo gaadhay rasaasta iyo qarxyada lagu weeraray Masaajidka.

Dhinaca kale Kooxda Boka Haram ayaa Qarax xoogan ku weerartay Makhaayad weyn oo kutaala isala Magaalada Jos ee Badhtamaga Dalka Nageria , waxaana Makhaayada xiliga la weeraray halkaasi ka afurayay dad badan oo Muslimiin ah.

In ka badan 16-qof ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Weeraradaasi lagu qaaday Masaajidka iyo Makhaayadda, waxaana Weerarkana uu imanayaa xili Weerar qarax ah lagu qaaday Goob Kaniisad ah oo kutaala Nageria halkaas oo iyana lagu dilay dad badan.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed