Shacabweynaha Giriigga Oo Cod Aqlabiyad ah Ku Diiday Qorsheyaal Midowga Yurub Wateen
Atens:Jully,06,2015(SDN/QJ)-Afti maalintii shalay oo Axad ahayd laga qaaday Shacabka Waddanka Giriigga oo ku salaysnayd Arrimo xagga dhaqaalaha oo xukuumadda Giriigga iyo Dawladaha reer Yurub isku maandhaafeen, ayaa wax aka soo baxay natiijo si weyn uniyad jabisay Midowga yurub.
Aftidii Axadii shalay ka dhacday dalka Giriiga ayey in ka badan 61% ku diideen qorshaha dhaqaalaha ee Midowga Yurub doonayo in lagu dhaqo dalkaasi Giriiga sanadaha soo socda.
In ka badan 38% dadka codkooda dhiibtay ayaa iyagu taageeray qorshaha Midowga Yurub, waxana loo arkaa jab weyn oo soo gaadhay siyaasadda Reer Yurub iyo guul usoo hoyatay Hoggaanka waddanka Giriigga.
Xukuumada Giriiga oo iyadu hore uga soo horjeedday qorshaha Midowga Yurub, ayaa taageero buuxda ka helay shacabka dalkaasi waxayna arrintan fursad u siineysaa xukuumada Giriiga inay gorgortan adag la galaan dalalka Midowga Yurub.
Wadamada Midowga Yurub ayaa iyagu sheegay in ay tixgelin doonaan aftida Giriiga, balse dhinaca kale arrintani waxay sii adkeyn doontaa in Midowga Yurub uu dhaqaalo dheeraad ah siiyo dalka Giriiga oo qarka u saaran burbur dhaqaale.
Qaar kamid ah shacabka Giriiga ayaa doonaya in ay isaga baxaan dalalka Midowga Yurub ee isticmaala lacagta Yuro, balse arrintan ayaa waxaa kasoo horjeeda ganacsatada oo ka cabsi qaba inay dhaawacdo dhaqaalahooda.
Dowlada Giriiga ayaa horey lacago badan oo deyn ah ka helay hay’ada IMF lacagtaasi oo inta badan ka timid dalalka kale ee Midowga Yurub, balse dalka Girgiiga ayaa wakhtigii loo qabtay inuu dib usoo celiyo lacagtaasi ku guuleysan waayey inuu bixiyo deyntaasi.
SDN/QJ