|

RW. Ku xigeenka: ” Wasaaradaha Kheyraadka dalka waa inay la yimaadaan

Muqdisho, 06, July, 2015…..Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XukuumaddaFederaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maalintii labaad booqanayey Wasaaradaha Dowladda si wax badan uga ogaado sida ay u shaqeeyaan, una qiimeeyo baahiyaha ka jira wasaaradaha oo qaarkood dul saar ku ah wasaarado kale.

Ra’iisul Wasare ku xigeenka ayaa maanta booqday 13 wasaaradood oo kala ah; Shaqada iyo Shaqaalaha, Arrimah Gudaha, Gadiidka, Dekedaha, Howlaha Guud, Ganacsiga, Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Warfaafinta, Haweenka, Kaluumaysiga, Biyaha iyo Tamarta iyo Ha’ada ka hortaga masiibooyinka Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Wasaaradda  Gadiidka oo ay dhismaheeda la dagan yihiin Wasaarada Dekedaha iyo Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeenta, wuxuuna warbixino ka dhagaystay Agaasimayaasha iyo Wasiirada Wasaaradahaas.

“Aad ayaan ugu faraxsana inaan idiin imaado, waana markii ugu horaysay oo aan soo booqdo wasaaradaha halkaan ku yaala, sababtuna waa inaan wax badan ka ogaado durrfaha shaqaalaha wasaaradaha,  waana kala gadisan tahay marka aad indhahaaga ku aragto cabashooyinka jira iyo horumarada la gaaray iyo marka warbixin ahaan laguugu soo gudbiyo, waana soo dhaweynayaa in Wasaaradda Gaadiidku dayactirtay dhismahaan
aadka u quruxda badan iyadoo aan wax deeq ah ka helin gacan shisheeye ” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa booqday xarunta Wasaaradda Ganacsiga oo ay la dagan yihiin Wasaarada Xanaanada Xoolaha, iyo Wasaarada Beeraha, wuxuna kulan la qaatay wasiiradda wasaaradahaas isaga oo u sheegay in wasaaradahaan laf dhabar u yihiin
kor u qaadida dakhliga dalka loogana fadhiyo iney siyaasad cad oo lagu hormarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed la yimaadaan.

“Sadexdiinaan wasaaradood waxa aa tihiin kuwo isku xira kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxa laydinka fadhiyaa inaad keentaan siyaasad lagu hagayo amniga cuntada, sidee loo xaqiijin karayaa in qof kasta oo Soomaali ah helo wuxuu cuno, hadii ay dhacaan bad xiran, abaaro lamid ah kuwii dhacay sanadkii 2011-kii oo ay ku dhinteen dad gaaraya 250,000 oo qof, tusaale ahaan markii la joojiyey Bariiskii ka bixi jiray wadamo ka mid ah Asia, waxaa dhacday in wadamadii khaliijku ay yimadaan Africa si ay u beertaan cuntooyin, waa inaan markasta isku dayno inaan helno siyaasad cad oo wax looga qabanayo waxyaalaha
asaaska u ah nolosha dadka Soomaaliyeed, waa inaad keentaan qorshe dhab ah oo dalkaan looga saarayo sadexda cudur oo kala ah; gaajada, jahliga, amni darada, oo ah kuwo isku xiran loona baahan yahay in si wada jir ah loo cirib tiro, wasaaradaha wax soo saarkuna waa inay halkaas ku jiheeyaan wax qabadkooda” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Ugu danbayntii RW ku xigeenka ayaa booqday Wasaarada warfaafinta oo ka mid ahwasaaradaha ugu shaqada badan wasaaradaha dowladda, waxaa kale oo dhismaha wasaaradda qayb ka dagan shan wasaaradood, oo qaarkood ay dayactir ku wadaan dhismayaashii ay lahaayeen, waxaana Ra’iisul Wasaare ku xigeenku intii uu ku sugnaa wasaarada Warfaafinta uu koormeer ku soo sameeyey qaybaha kala duwan Telefishanka Qaranka, Radio Muqdisho, iyo Kaydka Wasaarada oo ay ku jiraan cajaladiihi la
duubay lixdameeyadii iyo khudbadihii madaxdii hore, waxaana xusid mudan in RW ku xigeenka loo daaray codka shir ja’iid oo uu qabtay Aabihiis Cumar Carte Qaalib  oo ahaa xiligii dowladii kacaanka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo markaas safar shaqo ugu socday dalka Talyaaniga.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed