BBC oo Si adag ugu Gacan saydhay Dalab uga Yimid Raysalwasaaraha Ingiriiska
London 06.July 2015 (SDN/QJ)- Idaacadda BBC ee dalka Ingiriiska ayaa si adag ugu gacan saydhay soo jeedintii raysalwasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ku codsanayey in warbaahinta dunidu aanay ururka DAACISH ku magacaabin “Dawladda Islaamiga ah”
Agaasimaha guud ee BBCda Tony Howell ayaa maqaal uu qoray waxa uu ku sheegay in siyaasadda BBC-da ay tahay in marka ay koox, urur ama cid uun magac ugu yeedhayso ay tixgeliso magaca ay ciddaasi iyadu isugu yeedhay.
Agaasime Tony Howell in kasta oo uu maqaalkiisan ku sheegay in adeegsiga magaca ah Dawladda Islaamiga ah oo aan waxba lagu darin uu ka soo bixi karo macne ah in ay dunida ka jirto dawlad la ogol yahay oo magacaas leh, arrintaasina ay been noqonayso, haddana ay qasab tahay in magacaas loo raaco, balse si meel dhexe la isugu yimaaddo lagu daro ereyo muujinaya in uu yahay magac ku kooban cidda la baxday oo aanay dunida kale iyo sharciyadda caalamiga ah midina u aqoonsanayn, isaga oo arrintaas ka sii hadlayana waxa uu maqaalkiisan ku sii yidhi, “Sidaa awgeed waxa aanu hadda kadib adeegsan doonnaa magaca ah, ‘ururka isku magacaabay dawladda Islaamiga ah’” isaga oo sidoo kalana hoosta ka xariiqay in magaca DAACISH oo ururkan loogu yeedhaa ay keenayso in laga dhadhansado in taageero loo muujinayo ururka, arrintaas oo uu ku andacooday in ay ka hor imanayso dhexdhexaadnimada Idaacadda Ingiriiska ee BBC-da.
Raysalwasaare Cameron ayaa waraysi uu isniintii ina dhaaftay ee 29kii Juun siiyey Kanaalka Afaraad ee idaacadda BBC waxa uu si weyn ugu dhalleeceeyey idaacadda BBC in ay ururka DAACISH ku magacowdo ‘Dawladda Isllaamiga ah’ waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Ururkani dawlad Islaamiya ma’aha balse waa nidaam argagax leh oo bahal ah”
Raysalwasaare David Cameron markii uu hadalka jeediyey ayaa durbadiiba 12 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Ingiriisku waxa ay BBC-da u direen qoraal ay ku yidhaahdeen, “Waxaa waajib ah in aan la isticmaalin magaca ‘Dawladda Islaamiga ah’ waayo taasi waxa ay ixtiraam u muujinaysaa xagjirayaasha Islaamiyiga ah” waxa aanay dalbadeen in magacaas beddelkiisa ay BBC du isticmaasho magaca kale ee DAACISH. Inkasta oo qudhiisu yahay erey lagu soo koobay xarfaha ugu horreeya kelmado Afcarabi ah oo macnahoodu yahay, Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya.
Anshax ahaan waxaa warbaahinta dunida oo dhan u dejisan in cid kasta ay ku magacowdo magaca ay iyadu isu taqaanno taas oo la aaminsan yahay in ay tahay sida ugu habboon ee warfidiyeenku ku nabadgeli karo, isla markaana ku muujin karo dhex dhexaadnimo iyo in aanu dhinacyada is-haya la kala jirin magacyada ay la baxayaanna ku ixtiraamayo.
London SDN/QJ