|

Jumciyada Cibaadurraxmaan oo soo gabagabaysay Tartanka qur’aanka kariimka Degmada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa: 2july,2015(QJ/SDN)- Midowga madaarista qur’aanka kariimka degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ayaa maanta soo gagagabeeyay tartanka qur’aanka kariimka ee madaarista degmadaasi. Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay machadka degmada maxamed mooge ayaa lagu soo gababeeyay tartankaasi,

waxaana kasoo qaybgalay marti sharaf aad u tiro badan oo isugu jirta cuqaal, waxgarad, ganacsato iyo macaliinta degmada maxamed mooge Khadar Cabdi Iidaan, isagoo ugu horreyn u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qaybqaatay tartankan qabsoomidiisa, waxaana uu sidoo kale ka warramay taariikhda midowga madaarista cibaaduraxmaan, isagoo xusay inay jumciyadu laba jirsatay.100_1475100_1523100_1494

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay madaxa idaacadda qur’aanka kariimka ee radio hargeysa Maxamed Cabdullaahi Shabeel Oo isaguna ku hadlaayay afka xukuumadda, isagoo ardayda ku bogaadiyay inay kor usii qaadaan barashada qur’aanka kariimka. Waxa sidoo kale halkaasi ka hadalay Sheekh Cabdullaahi Xassan Cumar oo ka mid ahaa gudidii garsoorka kuna hadlaayay afka gudida garsoorka, isagoo ka waramay marxaladihii uu soo maray tartankani Gabagabadii munaaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa halkaasi abaalmarino lagu gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore gashay. Iyadoo sidoo kale abaalmarino la gudoonsiiyay arday 50arday gaadhaysay

QJ/SDN/ Hargeysa100_1539100_1477100_1495100_1554100_1561100_1555100_1541100_1551100_1583100_1594100_1613100_1569100_1607100_1622100_1491

Comments are closed