|

Mudane Katirsan Baarlamaanka Somalia Oo Borama Lagu Xidhay

Borama:Jully,02,2015(SDN/QJ)-Wararka nasoo gaadhaya, ayaa sheegaya in mudane katirsan Baarlamaanka Somalia lagu xidhay Gudaha magaalada Borama, kadib markii la ogaaday inuu Halkaas dhuumasho ku joogo.

jcoWararku waxa ay intaas ku darayaan inuu xildhibaankaasi isla deegaanka Borama kasoo jeedo, isla-markaana oo muddo halkaas ku sugnaa.

Xildhibaanka la xidhay ayaa magaciisa lagu soo koobay Axmed Xasan, waxaana xadhigiisa warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleeban Ramaax isagoo sheegay in Xildhibaanka hadda ku xidhan yahay Xabsiga dhexe ee Boorama.

Ramaax ayaa hadalkiisa ku daray in Xildhibaan Axmed Xasan dhawaan ay soo taagayaan maxkamad.

Ma jiro war ka madax bannaan midka uu Guddoomiye Ramaax sheegay, mana jiro wax war ah  oo kasoo baxay Dhinaca Dawladda Federalka ah oo la xidhiidha xadhigga mudanahaas.

Marar badan ayey Soomaaliland sidan oo kale xidhay dad kasoo jeeda oo qeyb ka ah dowaldda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu tuhmayo fikirka  Federal-ka, balse intooda badan wax maxkamad ah lama soo taago.

 

                                  SDN/QJ

                                timo@qurbejoog.com

                               Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed