|

Akhri Magacyada Hoggaan Cusub Oo ay DDS. Ethiopia Yeealan Doonto Shanta Sano ee Soo Socota

Jig-jiga:Jully,02,2015(SDN/QJ)-Kadib markii ay dhawaan Gebi ahaanba shacabka Reer Ethiopia u dareereen Doorashooyinkii dalkooda ka dhacay, ayaa xisbiga haya Talada Ismaamulka Ethiopia uu doortay hoggaankii Dawladda Halkaas ka talin doonta Muddada shanta sano ee soo socota.

hihi Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in shir ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha dhexe, ay ku doorteen  hoggaanka xukumada cusub ee la filayo in shanta sano ee soo socota hogaamin doonta DDSI oo iyadu dib u heleysa hogaan cusub.

Golaha ayaa shaaciyey Mas’uuliyiin dhowr ah oo muddo 5 sano ah xilkaasi heyn doona waxaana kamid a xubnahaasi:-

1-Cabdi Maxamuud Cumara:-Madaxweynaha DDSI

2-Maxamed rashiid Isaaq:-Afhayeenka Baarlamaanka

3-Aadan Kuusow:-Hanti dhowrka guud ee DDSI

Sadaxda madaxweyne kuxigeen ayaa iyaguna la doortay waxana ayy kala yihiin sidan:

1-Cabdixakiin Cigaal:- madaxweyne kuxigeen ahna wasiirka Horumarinta magaalooyinka iyo Warshadaha

2-Mowliid Haayir Xasan:- madaxweyne kuxigeen ahna wasiirka waxbarashada

3-Sucaad Faarax:- madaxweyne kuxigeen ahna wasiirka Beeraha

Xubnaha dhiman ee xukumada ayaa iyaguna lagu wadaa in dhawaan la shaaciyo, iyadoo xisbigu talo iskugu soo noqon doono.

Comments are closed