|

Xiisadii Muranka Soohdinta Badda ee Kenya Iyo Somalia oo Cusboonaatay iyo Dhawaq labada dhan ka soo yeedhay

Nairobi 02.July 2015 (SDN/QJ)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya, Aamina Maxamed, waxay u sheegtay Baarlamaanka Kenya in ay Dowladda Soomaaliya ka heshay ballanqaad muujineya in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay la soo noqoto dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ku saabsan muranka soohdinta badda, si khilaafka looga dhammeeyo dhexdhexaadin ka baxsan maxakamadda qaramada midoobay oo haatan diyaarinaysa inay dacwaddaasi dhegaysato.

Kenya iyo SomaliaSiddeed goobood oo ay Kenya shaacisay in shidaal laga baadhayo oo ay qaar heshiis kula gashay sharikado, ayaa 7 ka mid ahi waxay ku yaallaan badda lagu muransan yahay. Mid keliya ayaa ah badda loo aqoonsan yahay Kenya.

Xukumadda Somalia ayaa maxakamadda caddaaladda ee TheHague waydiisatay inay go’aan ka gaadho muranka u dhexeeya Somalia iyo Kenya ee ku aaddan xuduudka badda ee u dhexeeya labada dal, halkaasi oo la isku maandhafsan yahay, waxaana arrinta sii murgiyay khayraad dabiici ah oo halkaasi laga helo.“Xukumadda Federalka ah ee Somalia waxaanu ka helay balan qaad ah inay kiiska ay u gudbiyeen New York ee inaga inaga dhanka ah la soo noqonayaan, si meel dibadda ka ah maxakamadda loogu xalliyo arrinta” ayay tidhi Aamin Maxamed Wasiirka Khaarajiga Kenya oo la hadlaysay baarlamanka dalkeeda.

Dhinaca Kalena Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ayaa waxay ka hadashay warar soo baxayay oo ah inay dib uga laabatay dacwaddii dhanka badda ahayd ee ay maxkamadda Qaramada Midoobay horay ugu gudbisay.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa lagu xusay in Maalmihii ugu dambeeyay, warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen inay kala gar-qaataan, iyadoo aan Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay la marin, taasoo macnaheedu yahay in labada waddan ay ku kala baxaan maxkamad la’aan.

Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay weli ku adkeysaneyso, ayna ka go’an tahay kiiska sharciga iyo dacwada ah ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka Badaha (UNCLOS).

Maal-gelinta caalamiga, barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Somalia iyo dalalka dariska ah wuxuu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan, waxaanan u taagan-nahay, kuna ad-keysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

Soomaaliya waxay rumeysan tahay Wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay Dalalka dariska ah, waxaana weli furan soo-jeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhamey-stiran oo lagu Qanacsan yahay.

Warbaahinta Business daily oo baahisay warka wasiirka khaarajiga Kenya arrintan kaga hadashay ayaa sheegtay in Kenya 8 goobood oo Salliidda iyo gaaska qani ku ah heshiis kula gashay kambaniyo waaweyn balse sideeda goobood 7 ka mid ah ayaa ku yaala aagga lagu muransan yahay.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed