Mudane Ka Tirsan Golaha Wakiilada oo Gaadhigii Lixaad ee uu Iibiyo ku Wareejiyay Maamulka Degmada Qori-lugud
Hargeysa 02.July 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhi noociisu yahay Surf cusub ku wareejiyey maamulka degmada Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle .
Xaflad kooban oo wareejinta gaadhigan oo ah kii lixaad ee xildhibaanku ugu deeqo degaannada Gobolka Togdheer oo laga soo doortay loogu sameeyey xarunta Wasaaradda Daakhiliga ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, badhasaabada gobollada Togdheer, Awdal, maamulka degmada Qorilugud iyo masuuliyiin kale.
Xildhibaan Marreexaan oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in baabuurka uu ku wareejiyey maamulka Qorilugud yahay mid degmadu baahi weyn u qabtay, maadaama ay ku taal goob xaasi ah.
Waxa kaloo xildhibaanku kula dardaarmay maamulka degmada Qorilugud inay xoogga saaraan adkaynta ammaanka degaankooda iyo ka midho-dhalinta go’aannada ka soo baxay shirkii nabadaynta Coodanle oo ay ku heshiyeen beelaha walaalaha ah ee Qurilugud iyo Buuhoodle dhowaan.
Wasiir-ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Axmed Yuusuf Cadarre oo guddoomay furaha gaadhiga lagu wareejiyey degmada Qorilugud, ayaa xildhibaanka uga mahad-celiyey deeqda muhiimka ah, waxaannu Alle uga baryay inuu miisaanka xasanaadka ugu daro.
Badhasaabada gobollada Togdheer iyo Awdal – Maxamed Muuse Diiriye iyo Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa iyaguna dhankooda uga mahadnaqay mudanaha kaalmada uu had iyo jeer u fidiyo degaannada gobolkiisa, iyagoo sidoo kalena xildhibaannada kale ee Golaha Wakiillada ku boorriyey inay ku daydaan oo wax ku celiyaan degaannada laga soo doortay.
Guddoomiyaha Degmada Qorilugud Mr. Maxamed Cumar Faarax, ayaa si weyn ugu mahadnaqay xildhibaan Cali Marreexaan oo uu sheegay inuu yahay mudanaha keliya ee waxtar muuqda ka fuliyey degaannada Gobolka Togdheer ee laga soo doortay, waxaannu caddeeyey inay degmadiisa ka jirtay baahi weyn oo dhinaca gaadiidka ah, sidaa darteedna baabuurka xildhibaanku ku wareejiyey wax badan ka tari doono socodsiinta hawlaha sugidda ammaanka ee degmadiisa.
Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) ayaa gawaadhi noocan oo kale ah hore ugu wareejiyay degmooyinka, Qoryaale, Xaji Xasan Geelle iyo Dhoqoshay oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Togdheer.
Hargaysa SDN/QJ