|

“Ninka barta qur’aanku wuxuu safiir u yahay Ilaahay oo wuxuu sidaa oo caalamka iyo bulshadiisa ka dhaadhicinayaa waa kitaabka Ilaahay” Warancadde

Hargeysa 02.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in wanaag badan ka muuqdo dalka Somaliland, isagoo xusay in barashada diinta islaamka iyo xiftiga qur’aanka kariimka ah yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee if iyo aakhiro lagu gaadho horumar.

warancaddeMd. Cali Maxamed Warancadde oo hadal ka jeediyey xaflad lagu xidhay tartan xiftiga qur’aanka oo ka socday masaajidka Cali-mataan ee caasimadda Hargeysa maanta, waxa uu iftiimiyey in aqoonisga bulshooyinka kale la heli kari haddii bani’aadamku aqoonsado diintooda iyo Rabbigooda, kuna dhaqmaan shareecada iyo dariiqa suubban.

Waxa innaga muuqda wanaag ay qirayaan walaalaheenna islaamka ah, kaasoo aynu runkii ku gaadhnay wanaaga aynu wadno ee uu ugu horeeyo in aynu saraysiino qawlka Ilaahay ee kitaabka qur’aanka kariim ah ah ee aynu hayno madaxweyne, culimo, arday ilaa waalidiin. Ummadda iyo makhluuqa Ilaahay way aqoonsadaan bani’aadamku haddii ay aqoonsadaan diintooda iyo rabigooda oo ay raacaan wadda Ilaahay yidhi mara, waxase aan jecelahay, khaas ahaan dhallinyarada bartay qur’aanka inay u duceeyaan kuwa innaga midka ah ee aan arkin nimcada Ilaahay ina siiyey oo mararka qaarkood ka nixinaya dadka odhanaya waxba ma jiraan. Ilaahay ayaa jira oo waxa jira waxyaabaha aynu qabsannay oo dedaalka ummadda iyo dawladdu samaysay ayaa jira,” ayuu yidhi Md. Warancadde.

Waxa culimadu sheegeen in ninka barta qur’aanka Ilaahay uu yahay safiir oo maaha safiir u shaqeeya bani’aadam, laakiin waxa uu safiir u yahay Ilaahay oo wuxuu sidaa oo caalamka iyo bulshadiisa ka dhaadhicinayaa waa kitaabka Ilaahay, wax la qaado oo ka wanaagsana ma jiro.

Ilaahay ha inoo siyaadiyo nimcooyinka. Marka aynu qof yar dhisno waxaynu dhisaynaa shacbi wanaagsan oo dayib ah, waxaynu dhisaynaa ummad tiirar adag leh oo tiirar islaami ah leh, taasna waxaynu dhisaynaa marka aynu ubadkeenna ku barbaarino qur’aanka iyo diinteenna wanaagsan, kadibna wuxuu baranayaa inuu ilaaliyo nabadda, wanaagga iyo inuu ummadda u sheego khayr,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed