Ciidamada AMISON Oo Ka Baxay Degaano Hor Leh.
Baraawe, 1july,2015 (QJ/SDN)-Wararka ka imanaya deegaanada gobolada shabeelada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISON ay ka baxeen labo degaan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose saacado ka hor.
Degaanada ay ka bexeen ayaa kala ah Buufow iyo Ababay,oo kala hoos taga magaalooyinka Marka iyo Baraawe.
Degaanka Ababaay oo Baraawe kaga beegan dhanka Buulomareer ayaa la sheegayaa in si kas ah ay uga guureen iyagoo goobta uga tagay qaar kamid ah difaacyadoodii.
Sidoo kale askarta ka baxay Buufow ayaa la sheegayaa in iyaguna sidoo kale mar qudha dhaqaaqeen, taasoo u muuqata in amar deg deg ah taliskooda laga soo siiyay.
Ciidamada AMISON ayaa illaa iyo sideed degaan isaga baxay tan iyo markii Alshabaab ay laayeen ciidamadii Burundiga ahaa ee Leego iyo kuwii ka horeeyay ee itoobiyaanka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidanka amison oo ku aadan ka bixitaankooda deganadaasi.