Xogo Daaha Ka Rogay Sababta Madaxweyne Siilaanyo Xilka Cusub Ugu Magacaabay Wiilka Uu Soddogga u Yahay
Hargeysa:Jully,01,2015,(SDN/QJ)-tan iyo intii galabnimadii shalay qasriga madaxtooyada ay kasoo baxday Degreetada madaxweyne Siilaanyo ugu magacaabay Wiilka uu Soddoga u yahay ee Baashe Morgan Safiirka imaaraadka u fadhiyi doono somaliland, waxa soo baxayey guux iyo yaab badan oo shacabku arrintaas kaga falceliyeen.
Xogo sababta magacaabista wiilka madaxtooyada la xididka ah loo la xidhiidha, ayaa sheegaya inay jiraan sababo tiro badan oo laga leeyahay magacaabistiisa, iyadoo xukuumaddu gashay maalmihii ugu dambeeyey cimrigeeda.
Sababaha ugu waaweyn ayaa sida xogaha Qurbejoog.com heshay wax aka mid ah arrimo dhaqaale oo la doonayo in qoyska madaxtooyadu ka cuurto mashaariic dalka imaaraadku ugu soo ballanqaaday somaliland kadib safarro isdaba joog ahaa oo uu madaxweynuhu halkaas ku tegayey.
Waxa ay xoguhu intaas ku dareen in sidoo kale ujeeddooyinka laga leeyahay wiilka ay u dhaxday Gabadha madaxweyne Siilaanyo dhalay in magacaabistiisa meesha lagaga saaro dhaqdhaqaaqyo laga dareemay Wasiirka madaxtooyada oo looga shakiyey inuu mashaariicda dalka imaaraadka kasoo socota gacanta ku qabto, waxana la doonayaa in magacaabistiisa lagu hor istaago inuu xirsi wax saamayn ah ku yeesho mashaariicdaas oo loo arko qaar dheef badan laga macaashi karo.
Ujeeddooyinka kale ee Wiilkan xukuumadda loogu soo daray, ayaa waxa kamid ah inuu dillaal ka noqdo tallaabooyinka lagu maalgelinayo Dekedda Berbera oo lagu wado in madaxtooyadu ka dheefto malaayiin dollar oo macaash ah, iyadoo lacagahaasna la doonayo inaanay sinaba u dhaafin qoyska madaxtooyada.
Xogaha kale ee aanu hayno ayaa sheegaya inaanu madaxweyne Siilaanyo magacaabista wiilka uu soddogga u yahay ka raalli ahayn, balse ay ku khasabtay marwadiisu, waxana madaxweynaha laga sheegayaa inuu in badan ka warwareegay inuu wiilkaas ku soo daro xukuumaddiisa.
Sunahan cusub ee kusoo biiray Hannaanka xukuumadda somaliland ee ah in madaxweynuhu shaqaalaha sare kusoo daro shakhsiyaad xidid la ah, ayaa shacabku si weyn u hadal hayaan, waxana ay tallaabooyinkani xasuusinayaan shacabka habkii uu madaxweyne Siyaad barre xilalka ugu dhiiiban jirey Wiilashii awoodda Badnaa ee Hablihiisa qabay.
Waa markii ugu horraysay taariikhda Somaliland ee uu Arrimaha Dawladda ku lug yeesho wiil ay madaxweynaha soddog yihiin, waana tallaabo madaxweynaha haatan xilka hayaa ku galay taariikhda lama illaawaanka ah ee uu dhaxal ahaan uga tegi doono.
SDN/QJ