|

“Somaliland Waxay Ku Dhawday Burbur Markay Isugu Hadheen Guurti, Wakiilo Iyo Madaxtooyo Muddo Xileedkoodii Dhamaaday , Muuse Biixina Mulkiga Ilaahbaa Bixiyee….“ Cali Guray

Hargeysa 01.July 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay midnimadii Somaliland burbur ku dhawdahay, maadaama oo muddo xileedkii Guurtida, wakiiladda iyo Madaxtooyadu dhammaadeen, isla markaana ay noqotay ku fadhi sharci darro ah.

Cali Guray iyo xisbiga UcidMujaahid Cali Guray wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebook, wuxuu sheegay in aan waqti rasmi ah la ogayn xil doorasho dalka ka qabsoomayso “Muddo xileedkii sharciga ahaa ee Madaxwaynaha iyo ku-xigeenku waxay ku buuxdaa 26 July doorashaduna waxay ahayd inay qabsoonto bil ka hor dhamaadka muddo xileedkooda, laakiin may dhicin. Waxa ka daran ma jiro wakhti rasmi ah oo kale oo la ogyahay inay doorasho ku qabsoomayso. Waxa iyaduna dhamaatay muddo muddo kordhintii loo sameeyay Wakiilada ka dib markii ay dhamaatay muddo xileedkii goluhu wakhti ku dhaw shan sannadood ka hor.

Markaa dawladnimadii Somaliland waxay ku dhawdahay burbur marka ay isugu soo baxeen guurti iyo wakiilo iyo madaxtooyo ay wada dhamaadeen muddo xileedyadoodi sharciga ah ey noqotay ku fadhi sharci darradaba maxaa dhacaya? Jawaabtuna sida ay sua’aashu u taal waa WAX DHACAYAA MA JIRO, sidaa daraadeed sedexda Gole waxad moodaa inay heshiis ku yihiin in aan dalka wax doorasho ah oo dambe ka dhici waxanay ka arkeen isha shacabka damanaha ah iyo xidbiyada aan tamarta lahayn ee mucaaridka ah. Lakiin karis xun iyaduna wax ku la’.

Si kastaba xaalku ha noqdo eh waxay xaaladda Somaliland sida maanta ay tahay ka marag kacaysaa in DADKA Somaliland ay xoriyadda iyo dawladda nimadaba ay u halgemi yaqaanaan oo naf iyo maalba ay u huri yaqaanaan lakiin nasiib darro hadii ay helaan anay hanan karin. Waxa is waydiin leh hadaba xornimo iyo dawladnimo aanad hanan karin marka aad hesho waxa aad ugu halganto ee naf iyo maalba aad ugu hurtid.”.

Mujaahid Cali Guray Waxa uu Wax lala Yaabo ku Tilmaamay Dhawaq Shalay ka Soo Yeedhay Madaxweyne Xigeenka Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Xisbiyada Mucaaridka ah u Matalayay Gogoshii Wada hadal ee Madaxweyne Siilaanyo fidiyay “Waar bal muslin Allow idinku qofkan sidii jirjiroolaha kolba midabaynaya ee sidii AW KUUKU gacanta laga soo shumiyay ee kor uun u haya eega. Isaga iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin iyo weliba Madaxwayne ku xogeenku markay iska dhigayeen sidii rag meesha wax ka ah saw kuwii lahaa annaga ayay wax naga go’aan. Goorma ayay Guurtidu inay xaq u leedahay cayimaada taariikhda qabashada doorashada sharci ka dhigeen. Hal qodob oo dastuurka ah ama xeerarka ka farcama oo daliil ay ugu dhigaan bal ha sgeegaan anaga ayaa ta guurtida lafteeda aqbali hadii ay sharci ahaan xaq u leeyihiin in ay iyagu cayimi karaan taariikhda qabashada doorashada eh.
Kolka aan sidooda been qaawan loo badheedhayn taariikhda doorashada waxa cayimi kara Komishanka Doorashooyinka Madaxwaynaha ayaana digreeto ku soo saaraya waana laga sugayaa.


Guddoomiyaha Saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Wuxuu dardaaran u Jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi “Waxan kula talin lahaa Muse Biixi mulkiga Ilaahay baa bixiya eh ifkaaga iyo aakhiradaada kursi kolba meel lagaaga walciyo ha ku seegin ee ilaahay waydiiso. Tan kale war dadka aad codka ka doonayso eed is leedahay madaxwayne ha kaa dhigtaan mar keliya iyaga dantooda maxaad hoos ugu eegi wayday ma ta adiga kuu gaarka ah ayuun baad u haysataa inay mar walba ku qasban yihiin. Bal sidi sidi daada mooyee dhul u dhaacaga hubso taariikhdaadana dib u milicso.”

Hargeysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed