|

Xukuumada Somaliland oo Meel adag iska Taagtay Tiro Koob ay Dawlada Somalia ku samaysay dalkii la Isku Odhan Jiray Jamhuuriyada Somalia

Hargaysa 27.May 2015 (SDN/QJ)–Xukumadda Somaliland, ayaa qaadacday sahan qiyaaseed lagu sameeyay dadka ku nool dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia ka hor 1991 oo ay soo bandhigtay Xukumadda Somalia oo kaashanaysa Hay’addaha qaramada midoobay ee UNFPA iyo UNHCR.

Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ganafka ku dhuftay qiyaasta dadka Somaliland ku jirto ee lagu soo bandhigay Somalia. Wasiirka oo shir jaraa’id saaka ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in sahankaasi yahay mid aan khusayn bulshada Somaliland ku nool, isagoo sheegay in gol-daloolooyin ku jiraan islamarkaana markii la samaynayay ay u haysteen mid Somaliland u gaar ah balse hadda aanay ogolayn qiyaastaasi.

Goor Dhow Filo Warkan oo Muuqaal ah.

Comments are closed