Mac’adka Faafinta Islaamka oo kulan-diimeed u qabtay Dugsiga sare ee Ilays fariciisa Xaafada Maxamed mooge.
Hargeysa, 27,May, 2015 ()-Mac’adka Faafinta Islaamka ayaa kulan-diimeed wacyi gelin ah u qabtay dugsiga sare ee Ilays faraciisa xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa.
Kulankaas wacyigelinta ah oo ay ka soo qayb galee madaxda Mac’adka Faafinta Islaamka, culimo, Maamulka, Macaliminta iyo ardyada dugsiga wax ka barata. Ugu horayn waxaa halkaas hadal kooban ka jeediyay Maamulaha Iskuulka Ilays Xuseen Cismaan Warsame, waxaanu xubnihii ka socday Mac’adka Faafinta Islaamka iyo culimadii ku soo dhaweeyay iskuulka uu Maamulaha ka yahay “Iskuulkan Ilays ee dugsiga sare ahi waxa uu idinku soo dhawaynayaa inaad muxaadirooyin diini ah u jeedisaan ardayda, taas oo ah shay aad loogu baahan yahay, wanan ku faraxsanahay inaad noo timadaan.”
Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Wakiilka Mac’adka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodi jeex Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali, waxaanu faahfaahin ka bixiyay hawlaha uu qabto Mac’adka Faafinta Islaamka “Waxaan ku faraxsanay sida Maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiga sare ee Ilays noo soo dhaweeyay, sidoo kale waxaan aad ugu bogaadinayaa ardaydaas wiilal iyo hablaba isku jira ee sida ixtiraamka leh u u maqlay maamulkooda iyo macalimiintooda.” Sidaas waxaa yidhi Sheekh Qorane, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Mac’adka Faafinta Islaamka waa Mac’ad ka hawl gala Somaliland, waxaanu kulamo diini ah oo wacyi gelin ah u qabtaa qa waa Mac’ad ka hawl gala Somaliland, waxaanu kulamo diini ah oo wacyi gelin ah u qabtaa qabaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan goobaha waxbarashada, waxaanu ka wacyi geliyaa wixii xumaan ah, wixi wanaag ahna waa faraa, taasina waa waajib ina wada saaran oo qofkasta laga rabo inuu dhiniciisa ka ilaaliyo wixii xumaan keenaya.”
Sheekh Cumar Cabdi Iidaan ayaa muxaadiro diini ah halkaas ka jeediyay, waxaanu dardaaran kala duwan u jeediyay Ardayda, taas oo uu carabka ku adkeeyay in bulshadu u soo jeedsato wanaag farista iyo xumaan reebista “Diinteena Islaamku waa diin naxariis badan, waxaana inoo taala inaynu wakhtiga ka faa’idaysano oo barashada diinta xooga saaro, camal falkeedana sida ugu haboon ula nimaadno.” Sidaas waxaa yidhi Sheekh Cumar, waxaanu intaas ku ladhay “Marka aad diinta sida saxda ah u barato, waxaad la imanaysaa fahan sax ah oo aad ku kala saarto wixii wanaag ah iyo wixii xumaan ah, taasina waxay kuu sahlaysaa inaad noqot qof aan fikrado khaldan lagu ridin waayo mar walba oo aad diinta sii barato macaankeeda ayaad u sii dhaadhacaysaa oo waxaad noqoysaa qof xumaan ka reeban, waxanan idinka codsanayaa inaad wanaaga badisaan oo aad diintiina, waalidkiin, macalimiintiina iyo idinka dhexdiina aad wanaaga ku ilaalisaan, diinta barashadeedana xooga saartaan.”