|

Nuxurka Jawaab Adag Oo Hay’adda Qaxootiga Ee UNHCR Usoo Dirtay Somaliland, Kadib Joojintii Qaxootiga Yemen

Hargeysa:May,27,2015(SDN/QJ)-Somaliland, ayaa  heshay jawaab ay Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ka Bixisay tallaabadii dhawaan Qaxootiga yemen kasoo yaacaya lagaga mamnuucay inay soo galaan Gudaha Somaliland.

unhcrSida lagu faafiyey wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu Agency, hay’adda UNHCR ayaa nasiib-darro iyo wax laga xumaado ku tilmaantay go’aanka Somaliland ku joojiyey inay qaabisho qaxooti cusub oo soo qaxa dhinaca Yemen.

“Nabadgelyo iyo deganaansho buuxda ayaa ka jirta Somaliland, iyadoo la rajaynayo in qaxooti badan oo kale gaadhaan dekedda Berbera, laakiin go’aanka ay qaadatay Somaliland ayaa ah mid laga qoomamoodo, annaga oo rajaynaya in Hargeysa dib uga noqoto go’aankaas.” Sidaa waxa wakaaladda wararka Turkiga u sheegay sarkaal la yidhaa Cismaan Cali oo ka mid ah masuuliyiinta UNHCR ee Soomaaliya.

Xulafada Sucuudiga ayaa weerarro dhinaca cirka ah Yemen ka bilaabay 25 March 2015, kaasoo ay kaga soo horjeedaan Xuutiyiinta oo dagaal ugu jira sidii ay ula wareegi lahaayeen maamulka dalkaas, iyadoo dagaalyahannadaasi qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn ee Yemen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed