Magaca Sarkaal Sare Oo Shabaab Katirsanaa Oo Gacanta Ciidamada Kenya Galay Iyo Aqalkiisa Oo Waxyaabo Qarxa Laga Helay
Mombassa:May,27,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Booliska waddanka Kenya, ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Xubin sare oo Ururka Al-shabaab katirsan, kaas oo magaciisa lagu sheegay Khalid Mohammed, ahna Muwaadin Kenyan ah.
Ciidanka Booliska oo gacan ka helaaya xoogaga la dagaalanka argagaxisada Kenya, ayaa u daatay hoyga ninkaasi oo ku yaala xaafada Bondeni ee Magaalada Mombasa.
Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Mombasa, Robert Kitur waxa uu sheegay in ninkaasi hoygiisa laga helay bambo gacmeyd, qaraxyada balaastikada ah iyo qalabka lagu qarxiyo.
Taliyaha, ayaa xusay inay hayaan teleefankii gacanta ee Khalid, isla-markaana ay u adeegsan doonaan baadhitaanadooda, si ay u helaan macluumaad dheeraad ah oo ninkaasi ku saabsan.
Hay’adda Sirdoonka Kenya, ayaa ogaatay in ninkaasi uu xubin ka yahay Ururka Al Shabaab, isla-markaana uu tababar wanaagsan leeyahay, iyadoo aan la kala cadayn halka uu ku soo tababartay.
Ninkan, ayaa waxaa la tuhunsan yahay inuu ka qayb qaatay dilalka laba ruux oo dalxiisayaal ahaa, oo bishii July ee sanadkii hore loogu geystay Magaalada Mombasa.
Kenya waxay sanadihii ugu dambeeyay ay wajaheysay weeraro kaga imanaayay Ururka Al Shabaab, ka dib markii Ciidanka Difaaca Kenya ay gudaha u galeen Gobolada Koonfurta Somaliya, daba yaaqada sanadkii 2011-ka.
SDN/QJ