Xogo Dheeri ah Oo Ku Saabsan Muddada Saddexda Xisbi Ku Heshiiyeen In Doorasho La Qabto Iyo Talo Saylici Soo Jeediyey Oo Waddani Ka Cadhooday
Hargeysa:May,27,2015(SDN/QJ)-Kadib markii lagu kala kaxay shirkii muddada Toddobaadka ku dhaw usoo socday Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, ayaa waxa soo baxaya Sababaha keenay Burburkaas iyo Soo jeedin Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland keenay oo sababtay in Xisbiga waddani ay shirka ka baxaan.
Xogo uu helay Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in xaraaradda shirka shalay uu kii hore kasii adkaa, isla-markaana xisbiyada Mucaaridku si cad xukuumadda ugu wargeliyeen in maanta wixii ka dambeeya haddii aanay Tanaasul haynin aan arrintu sidan usii socon doonin, balse waxa arrintaas deedafeeyey Madaxweyne-ku-xigeenka oo isagu ku adkaysanayey in arrinu adag tahay, isla-markaana ay dhici karto inay muddo kale qaadato.
Falanqayn iyo rogrodid dheer kadib waxa Tanaasul muujiyey Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye oo markii ugu horraysay u hoggaansamay in la qaato Go’aan ka dhan ah kii Guurtidu kordhisay, iyadoo Wakhtigaasna ay warar kala duwan kasii baxayaan, maadaama dhinacyadii shirka fadhiyey ay diideen inay faahfaahin ka Bixiyaan Muddada markii hore la isla gartay ka hor inta aanu xisbiga Waddani Goobta ka kicin.
Mudada ayaa xogaha hoose sheegayaan inay tahay Middii ay hore Kulmiye iyo Ucid iskugu raaceen, balse oo ah in Sanad iyo Shan Bilood Xukuumadda iyo Wakiillada Loo Kordhiyo, isla-markaana wax laga beddelo Go’aankii Guurtida.
Iyadoo arrintu Halkaas Taagan tahay, ayaa sida Xogaha aanu Haynaa sheegayaan, waxaa Xukuumaddu codsatay in arrintaasi ahayd mid Gole Guurti gaadheen, isla-markaana loo baahan yahay in marka hore Guurtidii lagu soo qanciyo in Muddadoodii isbeddel lagu samaynayo, balse waxa arrintaas meel adag iska taagay Xisbiga Waddani oo iyagu ku andacooday inaan taas loo baahnayn.
Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa isku dayey inuu Waddani ku qanciyo inay arrintaas aqbalaan, balse waddani oo og inaan khayr badan lagu ogayn dhinaca Guurtida, ayaa ku hanjabay inay iska bixi doonaan, mar haddii aan Go’aankaas haatan la shaacinaynin oo aan sidaas lagu kala tegi doonin.
Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye, ayaa iyagu Maddadaas aqbalay, balse saxaafadda dibadda kula hadlay Xisbiga Waddani oo iyagu sheegaya inaan la aqbali karin tanaasul aan taladiisu ka wada go’I karin cidda madasha fadhida ee cid meel kale joogta go’aanqaadashadiisu ku xidhan tahay.
Tallaabadaas ayaa keenay in jawigii shirku is beddelo, isla-markaana shirku u keedo mid Burburay, sida xubnaha Waddani Afkooda ka sheegeen, waxana halkiisii taagan warwarkii iyo Walbahaarkii laga qabay dhibaato arrintaas ka dhalan karta.
Waddani waxa ay ku baaqeen inay wali furan yihiin Al-baabada Dhexdhexaadintu, isla-markaana aan kala kaca Macnihiisu ahayn in sidaas lagu kala dhaqaaqayo.
Saddex goor oo hore ayaa shirka dhinaca Xukuumadda dib loogaga dhigay, waxana tan imika dhibaatada keentay ay noqonaysaa Markii afraad, iyadoo dib udhacaasna loo arko mid mushkilad ku ah in horumar lagu tallaabsado.
SDN/QJ