Madaxweynaha: “Waan u mahadcelinayaa walaalaheen Afrika sida ay inoo garab qabteen”
Muqdisho May 20159SDN/QJ)- Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu xusayey maalinta Qaaradda Afrika oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo ay ka soo qeybgaleen madax, danjireyaal, taliyeyaasha ciidamadda iyo marti sharaf kale, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyey khudbad uu kaga haley doorka Ururka Midowga Afrika uu ka qaatey arrimaha Soomaaliya iyo qaaradda inteeda kale.
“Hambalyo ayaan leeyahay dhammaan waddamada Afrika , munaasabadan awgeed. Soomaaliya marna ma ilaabi doonto taageerada waddamada Afrika u fidiyeen. Soomaaliya way og tahay halka ay ka timid iyo halka ay u jeeddo, intaasina suuragal ma noqoteen, haddii aaney ahayn taageerada buuxda ee aan ka helney waddamada Afrika. Taageeradaasina waxay abid qeyb ka noqon doontaa taariikhda Soomaaliya’’.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay ula jaanqaadi lahayd hadafka qaaradda ee ah in la horumariyo nolosha haweenka, iyadoo taas laga duulayana haweenka loo magacaabay xilal muhiim ah, lana sii balaarin doono ka qeybgalka dumarka ee arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, nabadgelyada iyo kuwo kale.
Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xusey oo kale mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sido loo dhaqangelinayo Hiigsiga 2016, oo uu sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in si buuxda loo fuliyo barnaamijyada la xiriira oo dhan.
SDN/QJ-Muqdisho