|

Nin dhaqa oo af yaqaana Xayawaanka Halista badan oo Ku Nool Magaalada Buuhoodle DAAWO

Buuhoodle, 25 May 2015 (SDN/QJ)- Muxumad Jaamac Dheereeye oo 62 sano jir kuna nool magaalada Buhoodle ayaa mucjiso ku dhigay inuu xannaaneeyo Abeesooyinka, Xamaaratada, Jilbiska iyo Masaska kale ee halista badan, ee laga baxsan marka ay dadka cunaan.

ABEESO QAADMuxumad Jaamac Dheereeye oo dadka deegaanka ay ku magacaabeen Abeeso Qaad wuxuu sidoo kale af yaqaan, lana hadlaa Masaska kala duwan, isagoo awood u leh inuu garab ka dhigto ama uu ku duulo marka uu qof dagaal la galo.

Ninkani Odayga ah wuxuu Rabbi u sahlay inuu gacanta ku qaato, qoortana surto Abeesada, Xamaaratada iyo masaska kale ee dilaaga ah, iyagoo aan wax dhibaato ah kala kulmin tan iyo cimriga uu jiro ee 62 sano jir ah.

Wuxuu sheegay Abeeso Qaad in arintan mucjisada ah isku arkay 5 sano jirkiisa oo uu bilaabay inuu la sheekeysto lana ciyaaro masaska dilaaga ah.

Sidaa wuxuu Abeeso Qaad u sheegay warbaahin ugu tagtagay deegaanka Qodhaca, wuxuuna ugu horayn ka hadlaya bahalada uu la hadlo wuxuuna yidhi “ Waxaan la hadlaa wax alle iyo wixii laabta ku socda, oo waxa ugu camal xun bahalka jilbiska la yidhaahdo, oo waxaa ugu camal wanaagsan bahaladan Maska, Goodka, Masoobaxa, Kobraha, bahalada ayaa ugu camal wanaagsan oo dabeecooyinkoodu aad iyo aad u wanaagsan yihiin.”

Sidoo kale, Abeeso Qaad wuxuu sheegay in bahaladani leeyihiin codad kala duwan oo isagu kula hadlo “Bahaladan qaar waliba cod bay leeyihiin, camal iyo meel loogu tago oo loo raaco, marka mid waliba meesha uu ku nool yahay ayaan yaqaannaa iyo meelaha deeganka u ah ee laga heli karro iyo meelaha ay joogaan iyo codkooda baa, marka midkaasaab codkiisa loogu yeedhayaa”ayuu yidhi Abeeso qaad

Dhinaca kale wuxuu sheegay bahaladani haddii ay islaayaan uu isagu kala dhexgalo“Bahaladani haddii ay is-laayaan aniga kala dhexgala oo maalin dhawayd qaar islaayay oo aan kala dhexgalay dhibaato aan waxba iga soo gaadhin ayay ii gaysteen, laakiin waanu isku fiicannahay oo bahaladan in badan ayaan ku dhex noola oo aan bartay qaabka loola dhaqmo.”

Abeeso qaad, waxa kale oo sheegay in bahaladani dagaalka la galaan marka ay qof isku dhacaan “Bahaladdani dagaalka ayay ila galaan oo dhawr jeer oo aanu qaar iska hornimi ceel biyood waan ku diray oo dagaalkii qayb bay ka qaateen, anigoo marka uga jeeda in aanan tol la’aan ahayn.

Comments are closed