|

Xasuus Reebka Madaarka 5ta Mayl ee Hargeysa

Inta aanan u Gondo Degin Qormadayda Maanta, Waxan si Kooban u Dul Mari Taaeiikhda Madaarka 5Mayka, Goortii la Sameeyey, Sababihii iyo Ciddii Sameysay iyo inta aan Xasuus Reeb Ka Hayo, Kuna Beegan 62kii ilaa 68kii.
 
Maadarkan Waxa isla Wahtiyo isku Dhaw, la Wada Dhisay labadii Madaar ee Sharjah iyo Aden Airports ee Boqortooyadii Ingiriisku Ka Maamuli Jirtay  Isku Xidhka iyo Gacan ku Haynta Ganacsiga Caalamka ee Middle East ka iyo Bariga Fog iyo Biyo Mareekda Suez Canal ka, Bab Al Mandab iyo Biyo Mareenka Gacanka Carbeedeed ee Strait Hormuz. Sharjah waxa uu ahaa Saldhigga Ciidanka Cirka, ka Cadan na Ganacsiga,Halka 5ta Maylkuna uu ahaa Saldhigga Taakulaynta ( Supply Division kan ) Cidanka Mandaqadda & Isku Xidhka Bariga Dhexe iyo East Africa.
 
Shirkadihii Dayaaradaha ee Garoonka 5 ta Maylka ka Bilaabay Duulimaadyada:
1 ) British Overseas Airways Corporation ( BOAC ).
2 ) Aden Airways
3 ) Somali Airlines kii oo 67 kii ku soo Biirtay, Kolkii Dufcaddii ugu Horeysay ee Duliyaal Somaliyeed ee ugu Horeysay ay ku Soo Bartaan Dalka Jarmal oo ay ka mid ahaayeen  Captain Cabdi Maxamed Rodol & Captain Maxamud Axmed Tima-Tume.
 
Xasuus Reeb, Dhacdooyin Kooban oo Xassus Mudan:
Waxan is yar Dul Taagii oo an ka soo Xushay, Dhacdooyin Badan oo aan u Soo Joogay Garronkii 5 Maylka, Badhtamihii 68 kii ayaa Madaxweynihii Zambia, DR.Kenneth Kaunda iyo Madaxweyne Abdirashid Cali Shar ma arke (Allah Yarxamu) ayey ka soo Deggeen Madaarka 5ta Maylka ee Hargeysa. Waxa Weftiga si Ballaadhan u Soo Dhaweeyey Dadweynihii Hargeysa, Gaar ahaa Ardaydii Iskuulada,Waxa uu ahaa Madaxweynihii uga Horeeyey ee Garoonka Ka soo Dega. 37 Sanno ka Dib May21, 2005kii Kolku mar labaad Booqashada ku Yimid, Waxa Qasriga Madaxtooyada ku Qaabiley Mud. Daahir Rayaale Kahin, si Xiisa leh uu kaga Sheekeeyey Xasuustii iyo Soo Dhaweyntii Garoonka 5 ta Mayl loogu Qabtay.
 
Maalintii Biriijka Koowaad ee Hargeusa la Dhagax dhigaayey August 1968 kii oo uu Dhagax dhigay Sul. Rashiid Sul. Cabdilaahi Sul. Diiriye (Allaah Yarxamu, ayaan Fursad u Helay in aan Weydiiyo Eng. Cabdi Ciise Xayd (Allaah Yarxamu,) Ka na Mid ahaa Injineeradii Hayaddii Wadooyinka Somaliland Protetectorate, ayaan Weydiiyey Su’aal ahayd,, Adeer Qiyaasta Masaafadda 5 Mayl halkee ka soo Bilawdeen,,. Waxa uu ii sheegay Afaafka (Irridda) State House ka (5 Miles=8kms) ilaa Airport Tower
 
Inta aanan ka Gudbin Qaybta Qoraalkan waxan ku Xusi doonaa Xubno ka mid ahaa Shaqaalihii Rukan iyo Aasaaska u ahaa Madaarka Shanta Maylka:
– Axmed Xaaji Maxamuud ( Axmed-Yare ) Senior Air Trafic Controller
– Xaaji Faarax Ibrahim ( Faarax-Somali ) Air Port Super Market Manager
– Maxamuud Cabdi Sh. Haruun     Air Trafic Controller
Illaahay Saddexdoodaba Naxariistii Janno Ha Ka Waraabiyo  Aammiin
 
Ujeedadaa Qoraalkayga Haddii aan u Gudbo:
Bishan May 14 keedii ( Khaiistii ) Waxa Dalka ku Soo Guryo Noqday Mayor kii Caasimadda oo Muddo Hawlo Shaqo ugu Maqnaa Dalka Sweden. Waxan Halkan uga Mahad Celinayaa Shacabka Reer Hargeysa sida Mudan ee Mayorkooda ay Madaarka ugu Soo Dhaweeyeen ee Milgaha iyo Sharafta Huwaneyd. Waxa Fajac igu Noqday, Kolkan Shaashada ku Arkay Nin Qaylinaaya oo leh ,,Madaarka Caasimaddu, Waa Madaar Xaafadeed, Waxanu Dhisaynaa Madaaro Kale, Kii Ugu Horeeyeyna aniga ayaa Berri Dhagax dhigaaya, kii ugu Horeeyey!!! Ninkaas ooWeliba Yidhi Suldaan Baan ahay!! Magaciisana ku Sheegay Suldaan Ibrhim Sulub.
Suldaan Mid Waa iga Kaftan, Midna Waa igu Su’aal, Waa Kaftae Inan aan 12 Sanno Dugsiyada Hargeysa kuwada Jirnay ilaa 63 kii ayaanu Is Haybsanay92 kii!!! Hebel Hebel ayaan u Aqaanay. Waxu igu Jawaabay tan iyo Maalinta Dugsiga Qudhac Dheer aynu ku Jirnay Cidad ahayd Waan ku Aqaanay!! Waxa weliba iga sii Facjiciyey, Kolku ii Raaciyey, Guryahaa la nagu Baraa!!! Suldaan iyana Ma ka Wada Tashateen in Madaar Xaafadeed uu Noqday oo Afar Kale Ka Sameysataan!!
 
Suldaan Haddii aan Jawaabta kuu Fududeeyo, Waa Haa!! Sannadkii 95 kii ee Dalka Colaadii Xumeyd laga Hurinaayey ee la kale Sed Bursanaayey, ayaa Madaxweynihii Dalka Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal loo Tegay!!! Isagaana Fashiliyey, Waayo Siyaasi Kasta oo Somaliland ah Ina Cigaal Dalka Wuu ugu lexejeclo Badnaa, Nin Qabiilna Muu Ahayn, Siyaasiyiinta Somaliyeed ayuu Siyaasadda Kaga Badshay!!!Sidaas ayey ku Fashilantay Mashruucii Kala Baydhka iyo Dhulkii Sheedaha ee la Xaadhay!!
Suldaan Midna aan Kugu Daree, Nin Yar oo soo Koraaya ayaad Tahay, Labadii Dagaal ee Dalka Soo Maray; May 88 kii ilaa May91 kii iyo kii Danbe ee Nov.94 ilaa Oct.96kii Ciidankii Agga Dooxooyinka Shar Ma Arke, oo 14 kms u jira Madaarka Habeen lama Waydaarin Ciidankaa!!! Madaarka Qaranka Somaliland ayaa Leh.
 
Suldaan Cigaal International Airport waa Hanti Qaran oo Shacabku Wada leyahy, Maamulkiisana Waxa inoga Masuul ah Dawladda Somaliland, Difaasa iyo Nabadgelyada Cigaal Internanatinal Masuuliyad Ayaa iga Saraan, Anigaa u Deegaan  ah!!!. Manfaciisan Qaranku wuu u Siman Yahay.
 
Suldaan Waxan Kugula Dardaarmayaa,, Si Yaabo Badan oo aad u Mari lahayd, Qolka VIP da ee lagaa soo Celiyey, Sida Wargelinta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Duulista iyo Hawada, Nasiib Darro Halkii ugu liiadatay ayaad ka Abaartay, Tu Aqoon Cilmi Ka Aradan, Tu Cumaamadii Suldaanimo kaga Dhacday ayaad Tudhaan la’aan aad u Hurweysatay!!! Suldaan Masuulka Xil Ummadda u Hayaa, Wuu Qaldami Karaa, Waxna Wuu Dhici Karaa, laakin Ma Guurtada loo Dhiibtay Qaran Iska leh, Isagana Dhegtaa la Soo Qaban. Suldaan Kelmadii Dorraad ka soo Yeedhay ,,  Madaarkii Caasimaddu Waa Madaar Xaafadeed, Madaaro Kale ayaan Dhisaynaa, kii ugu Horeeyeyna Beeri baa Dhagax Dhigay!!! Bar Madaw oo Uskag ah ayey ku Noqotay Sharaftaada Suldaanimo iyo Mustaqbaalka Dhalinyaro nimo ee Hoggaan Dhaqanimo!!! Waxan ku Farayaa Waxad Xaal ka Bixisa Erayadaa, Waaxa Xaalaa Xaq Kuugu Beesha Sharafta naga Mudan ee aad ka Dhalatay ee Suldaan Kuu Caleem Saartay. 
Madaarka Caasimadu Waa Madaar Ku Yaal Masalalaha, Balse Dheeftiisa loo Siman.
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Brussels   Belgium

Comments are closed