|

Ciidanka Booliska Somalia oo laga mamnuucay inay qaad cunaan xiliyada ay Shaqaynayaan

Muqdisho 19.May 2015 (SDN/QJ)- Taliska booliska Soomaaliya ayaa amar ay soo saareen, waxa ay kaga mamnuuceen askarta booliska ah in aaney qaad isticmaali karin marka ay shaqeynayaan.

Taliyaha booliska Soomaaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in ruuxii lagu qabto isagoo cunaya qaad xilliga shaqada tallaabo laga qaadi doona iyadoo marxaladaha qaarna la horkeeni doono maxkamad ciidan.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in Khaadka aad looga iticmaalo ciidamada dhexdooda, waxaana jiray walaac ku saabsan saameytna uu ku leeyahay shaqadooda.

Dhinaca kale, wuxuu taliyaha sheegay in ay qoranayaan dhalinyaro cusub oo boolis ah, gaar ahaan kuwa ka soo baxay dugsiyada sare iyo jaamacadaha.

Comments are closed