Dardaarankii Saylici,Dareenkii Cirro Iyo Damaashaad ruxay Magaalada Boorama DAAWO
Boorama 19.May 2015 (SDN/QJ)-Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dadweynaha reer Boorama kala qaybgalay Xuska 18-ka May ee 24-guurada ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ka soo wareegtay oo shalay si weyn dalka iyo waddamada dibedda qaarkood loogaga dabbaal-degay.
Kumannaan dadweynaha reer Boorama ah oo ku labbisan Astaanta Somaliland ee Calanka saddexda midab ka kooban ah, ayaa isugu soo baxay magaaladaas, kuwaasoo socod ku maray qaar ka mid ah jidadka magaalada, ayaa markii dambe isugu tegay Fagaaraha Khayriyada Boorama, halkaasoo ay kala hadleen Masuuliyiinta heer gobol, degmo, Madaxda Laamaha kala duwan ee dawladda ka socday, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Wakiillada iyo weliba Madax-dhaqameed ka tirsan Bahda dhaqanka Awdal.
Inta badan Masuuliyiinta iyo Madaxda dhaqanka ee hadallada ka jeediyey Xuska 18-ka May ee Boorama, waxay dadweynaha reer Awdal ugu baaqeen ilaalinta nabadgelyada, midnimada iyo wada-jirkooda, isla markaana dhegaha ka furaystaan Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed gobolka u dhashay oo Kacdoon Siyaasadeed wada, kuwaasoo waxyeellayn kara nabadgelyadooda.
Sidoo kale, waxay Masuuliyiinta kala duwan ee Khayriyada Boorama dadweynaha kala hadlay ku dheeraadeen taariikhda dawladnimada Somaliland, dhismaha nabadgelyada iyo doorka ay dadweynaha reer Awdal ku lahaayeen oo ay ku tilmaameen mid aan la hilmaami karin, isla markaana la’aantood la hirgelin kareen, sidaa awgeedna loo baahan yahay maaddaama oo ay Awdal tahay Hooyada dhismaha dawladnimada, nabadgelyada iyo weliba Aqoonta ama waxbarashada Somaliland inaanay u oggolaan wax intaas mid ka mid ah lagu dhibaataynayo in loola soo galo.